Maxkamada Yurub oo ganaaxday Denmark

9

Maxkamada Xuquuqda Aadanaha ee Midowga Yurub ayaa cambaareyn iyo ganaax dusha uga tuurtay dalka Denmarka ka dib markii ay sharci u diideen gabar Soomaaliyeed oo wadankooda ku kortay. Sheekada gabadhaan ayaa bilaabatay 2003 ka markii waalidkeed u kexeeyeen Kenya iyadoo 15 sano jir halkaasoo ay ku nooleyd ilaa 2005. Iyadoo waalidkeed ku noolaayeen Denmark.

Markii ay isku dayday in ay ku soo laabato Denmark ayaa loo sheegay in sharcigii ka dhacay oo aysan xaq u lahayn in ay dib ugu soo laabato dalkaas. Waxay codsiyo u dirtay dhamaan waaxyaha qaabilsan arimaha socdaalka ilaa maxkaamada ugu sareysa Denmark iyagoo dhamaantood diidmo siisay. Gabadhaan ayaa si qarsoodi ah ku soo gashay dalka Denmark iyadoo halkaa dacwadeedii ka sii wadatay. Ugu dambeyntii 2010 ayaa dowlada Denmark waxay ku amartay gabadhaan in ay wadanka isaga baxdo oo dibada magangalyo cusub ka soo dalbato.

Gabadhaan ayaa kiiskeeda u gudbisay maxkamada xuquuqda aadanaha ee midowga Yurub iyadoo maxkamadu arintaas go’aan ka soo saartay.

Maxkamada ayaa go’aankeeda ku sheegtay in Denmark ay jabisay sharciga midowga Yurub ee faraya xaqa caruurta ay u leeyihiin in ay waalidkood la noolaadaan, isla markaana gabadhaan ay ku kortay Denmark. Maxkamada ayaa ganaaxday Denmark in ay gabadhaan siiso lacag gaareysa 21,000 Euro mudo 3 bilood gudaheed ah.

Denmark ayaa ku doodeysa in waalidka gabadhaan ay yihiin kuwa gaarey go’aanka ay gabadhooda kaga saareen wadanka isla markaana aysan la soo xiriirin Laanta Socdaalka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here