Soomaali Sweden ka tagtay oo Turkiga ku xayirantay

3

Soomaali badan oo maalintii isniinta ahayd diyaaradii waday ka duushay garoonkaArlanda ee duleedka magaalada Stockholm ayaa mudo laba maalmood ah ku xayirnaa magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga.

Dib u dhaca kuyimid Safarkii soomaalidaan ka tagtay Sweden kuna socotay inta badan wadamada bariga Afrika ayaa ka dambeeyey ka dib markii uu soo baxay war sheegaya in foolkaano ka qarxay Eretria, taas oo keentay in la hakiyo duulimaadyadii u kicitimi lahaa guud ahaanba bariga Afrika.

Inkasta oo dhacdadaasi ahayd mid awooda bani’aadamka ka saraysa oo aan cidina wax ka qaban karin hadana waxaa si siman rakaabkii duulimaadyadaasi oga cabanayeen in aan sidii la rabay warbixinaha aysan u helayn, inta badan aan si wanaagsan loogu qeexayn sida wax ujireen iyo halka wax ka dheceen, taas oo ay dadka qaar u sii dheerayd in aan looba ogolaan in ay garooka dhaafaan oo ay wadanka gudaha u galaan.

Diyaarada Turkish-airline oo dadkaasi la socdeen ayaa dadka intii dhalashada Europe wadatay waxay durba geeyeen hotelo, halka Ethiopian, Ugandas iyo Soomaalidii Främlingspass passport-ka haysatay hal habeen garoonka ku xayirnaayeen.

Ka dib cabasho iyo is abaabulo xoogan oo dadkii xayirnaa sameeyeen ayaa Police-ka iyo diyaaradii dadka waday waxay isku afgarteen in dadkii garoonka ku xayirnaa dhamaantood baasabooradooda boolisku garoonka kuhayaan dadkana ayagoon wax aqoonsi ah haysan hotel lageeyo ayadoo dhaq-dhaqaaqooda la xadidayo korkana laga waardiyeynayo si aan boolis kale u qaban oo aan loo dhibaatayn.

Ilaa hada waxaa maqan oo aan gacan lagu hayn waxii ay agab wateen dadkii rakaabka ahaa intii Kampala u socotay,warse uma hayno rakaabka intiisii kale in ay alaabooyinkoodii heleen iyo inkale.

Saciid Cabdi Cusman
Kampala-Uganda

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here