Qorshaha xarunta ganacsiga Soomaalida ee Göteborg

2

Ka soo bilaabata sanadkii hore ayaa waxaa socday qorshe xarun ganacsi loogu furayo Soomaalida ku nool magaalada Göteborg, xaruntaan ayaa loola jeedaa in shaqo loogu abuuro Soomaalida oo ay halkaas ka sameystaan rugo ganacsi oo waxyabaha kala duwan lagu iibiyo.

Qorshaha ayaa ah in xiliga dayrta ee nagu soo aadan albaabada loo furo xarunta oo laga furi doono bartamaha magaalad Göteborg, iyadoo dadkii ka shaqeyn lahaa halkaas la siiyay tababar ganacsi oo xaga xisaabinta iyo canshuuraha ah. Maamulka magaalada Göteborg ayaa la sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan hawshaan oo lacagta laga dalbanayo midowga Yurub.

Goobta ganacsiga ayaan Soomaali keliya u furnaandoonin iyadoo umadaha kalena ay heli doonaan fursad ay ganacsi kaga furtaan goobta. Mashruucaan ayaa la filayaa in uu fursado badan u furo Soomaalida ku nool Göteborg iyadoo xitaa mashruucaan kuwo la mid ah lagu fikarayo in laga sameeyo magaalooyinka kale.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaalida ayaa la dhihi karaa waa dad ku firfircoon ganacsi oo laga yaabo in tani ay wadada u furto. Aduunka kale sida maraykanka iyo Dubai ayay Soomaalidu ka sameeyeen ganacsiyo waaweyn balse Soomaalida ku nool Sweden ayaan horumarkaas ku talaabsan iyadoo loo eedeeyo arintaas xirxirnaanshaha wadanaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here