Ku darso magacaaga kacdoonka lagu doonayo mideynta reeraha

37

Ka dib warqadii ay u direen ururada ka shaqeeya arimaha familada iyo caruurta wasiirka Socdaalka Sweden ayaa Anders Lindström oo ka tirsan dalada Nätverk För Rätten Till Familjeåterförening waxa uu abuuray kacdoon internetka ah oo lagu ururinayo saxiixyaha dhamaan dadka doonaya in xal loo helo mideynta reeraha Soomaalida.

Hadaba waxaa aad u muhiim ah in dad ay saameysay arintaan iyo dhamaan inta akhrisata Somaliska.com ay ka qeyb qaataan kacdoonkaan oo ay magacooda ku daraan liiska. Ujeedka loola jeedo arintaan ayaa ah in la muujiyo dad badan ay ka soo horjeedaan shuruuda qalafsan ee Sweden dul saartay mideynta Soomaalida. Dad badan ayaa horeba saxiixay oo u badan Swedish.

Fadlan magacaaga ku dar oo u sii gudbi asxaabtaada. http://upprop.nu/KANW

Dadaalka lagama daalo, rajada allah lagama quusto. Waxaa muhiim ah in aan laga niyad jabin xaqeena oo dhamaan inta ay arintaan taabanayso iyo inteena kaleba aan ka qeyb qaadano sidii arintaan xal loogu heli lahaa waayo waxaa ku xiran mustaqbal Soomaalida ku dhaqan Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here