Xisbiga Miljöpartiet oo hogaan cusub doortay

1

Xisbiga Deegaanka (Miljöpartiet) ayaa doortay hogaan cusub oo noqon doona afhayeenada xisbiga. Wiilka lagu magacaabo Gustav Fridolin iyo haweeneyda lagu magacaabo Åsa Romson  ayaa loo doortay in ay noqdaan afhayeenada cusub ee xisbiga. Xisbiga MP ayaa doorta labo afhayeen halka xisbiyada kale ay ka doortaan 1 hogaamiye.

Wiilka lagu magacaabo Fridolin ayaa badali doona Peter Eriksson oo hogaanka xisbiga dhinaca raga hayay ilaa sanadii 2002, halka Åsa ay badali doonto Maria Wetterstrand oo iyadana la doortay sanadkii 2002.

Xisbiga MP ayaa ah xisbi siyaasadiisa ay tahay dhinaca bidixda iyagoo aad ugu ololeeya arimaha deegaanka iyo soo galootiga. Xisbiga MP ayaa sanadkaan heshiis la gaaray dowlada uu hogaamiyo raysal wasaare Fredrik Reinfeldt,  heshiis kaasoo ku saabsanaa arimaha socdaalka iyo soo galootiga oo ay ku jirtay in la mideeyo reeraha Soomaalida.

Heshiiskaas ayaa hada ah rajada keliya ee ay leeyihiin reeraha Soomaaliyeed ee laysku diiday. Xisbiga Miljöpartiet ayaa la aasasay sanadku markuu ahaa 1981 isagoo hada ah xisbgia 3-aad ee ugu weyn Sweden marka laga reebo Moderaterna iyo Social Demokraterna.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here