Urur Islaami ah oo lacag u celiyay dowlada

11

Ururka dhalinyarada Muslimiinta (Sveriges unga muslimer) ayaa go’aansaday in 1 milyan oo karoon ay u celiyaan dowlada ka dib markii lacagtaas horey taageero dhaqaale loogu siiyay. Ururka ayaa sheegay lacagtaan in ay ka timid shirkada loo yaqaan Svenska Spel oo ah shirkad qamaar taasoo xaaraam ka ah diinta Islaamka.

Lacagta ayaa ururka waxaa siiyay Hayada dowliga ah ee arimaha Dhalinyarada (Ungdomsstrylsen) kuwaasoo sanadkasta ururada waaweyn siiya taageero dhaqaale oo ay ku fuliyaan howlahooda.

Ururka dhalinyarada Muslimiinta ayaa sheegay in ay wadahadal ka sameeyaan arintaan iyagoo go’aansaday in lacagta ay dib isaga celiyaan. Waxa ay sheegeen in xaalad adag darteed ay u qaataan lacagtii markii hore. Sanadkii la soo dhaafay ayay go’aansadeen ururka Dhalinyarada Muslimiinta in ay aruursadeen lacagtii ay ku bixin lahaayeen howlahooda.

Ungdomsstyrelsen ayaa la yaabay in urur lacag dowlada u soo celiyo, iyagoo go’aansaday hada ka dib in aan ururada lacag laga siin shirkad gaar ah balse miisaniyada guud ee dowlada laga bixiyo taageerada dhaqaale ee la siiyo ururada. Ururka Dhalinyarada Muslimiinta ayaa soo dhaweeyay go’aanka cusub ee dowlada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here