Soomaalida Gävle oo shir ka yeeshey arimaha qoysaska kala maqan

21

Waalidiin aad u badan isuguna jirey Rag iyo Haween ayaa galabtey shir isugu yimid magaalada Gävle,Shirkaas oo ay uga hadlayeen xaalada cakiran ee familadooda.

Gävle ayaa waxey ka mid tahay magaalooyinka ay soomaalidu sadexdii sano oo ugu dambeysey si weyn u soo degeen waxay kaloo ka mid tahay magaalooyinka ugu abaabulka iyo dhaqdhaqaaqa badan howlaha soomaalida maadaama ay degen yihiin soomaali badan oo isku xiran sidoo kale waxaa degen waalidiin badan oo saameyn ku yeeshey xayiraada soomaalidii dalbaneysey iney dib ula midoobaan familadooda kadibna lagu xujeeyey in ay Soomaalinimadooda soo cadeeyaan.

Hadaba shirkii galabtey ka dhacey xaafada Andersberg oo ay soomaalidu u badan tahay ayaa waxaa lagu lafo gurey banaanbixii 4ta bishan ka dhacey irida baarlamaanka ee dalkan Sweden iyo doodii baarlamaanka oo rajadii laga qabey aan laga helin iyo waxa la gudboon Soomaalida in ay sameeyaan waqti xaadirkaan.

Waxaa la isku raacey in aan waxba la niyad jebin oo loo baahan yahay in dadaalka meeshiisii laga sii wado , in la yeesho xiriiro iyo isku xirnaasho guud dhamaanba soomaalida degen Sweden, In la qabanqaabiyo banaanbaxyo si wada jir ah looga sameeyo dhamaanba Gobollada dalka iyo caasimadaba bananbaxyadaasoo isku mar ka dhaca dhamaanba dalka Sweden, Waalidiinta ayaa waxey ku cataabayeen in ay adag tahay waalid iyo ilmihiisa kala maqan kala noolaanshahooda waxeyna sheegeen in aysan jawaab u helin marka ay ilmahoodu su aalaan hooyo ama aabe goormaan idiin imaaneeynaa ama noo imaaneysiin waan idiin xiisney kaligeen ma joogi karno halkaan iyo waxyaabo la mid ah waxeyna farta ku fiiqeen iney qatar weyn ku tahay ciyaalka qaangaari raba inta dacwada socoto waalidiintii halkaas ka hadashey waxaan ka xusi karnaa hooyo Shiino Cabdi Cilmi oo sugeysa 5 caruura iyo seygeeda, Hooyo Ubax Cali Jimcaale oo sugeyga 6 caruur ah iyo seygeeda Aabo Cabdi Maxa,mud Macow (cabdi guhaad)oo sugaya 12 caruura iyo xaaskiisa Aabo C/wahab C/laahi Calasow oo sugaya 2 caruura iyo xaaskiisa Hooyo Sano Ciise oo sugeysa labo caruur ah iyo seygeeda.

Dhanka kale waxaa ka hadley halkaas madaxda isbaheysiga Ururada Gävle waxeyna u cadeeyeen waalidiintii isugu timid shirkaas in ay la garabtaagan yihiin dadaalkooda ayna marnaba ka seexan doonin ilaa la fasaxo sidii ay dib ugu midoobi lahaayeen familada Soomaaliyeed ee kala maqan, si kastoo xal lagu heli karana ay wax ku raadin doonaan.

W/D Fardowsa Sh Xasan Kuriya, Gävle



AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here