Soo galootiga iyo shaqo la’aanta

3

Warbixin cusub oo ay soo saartay Waaxda Tirakoobka Sweden (SCB) ayaa lagu sheegay in 3 meelood labo meel ay shaqo la’aan yihiin dhalinyarada soo galootiga ah. Wasiirka Isdhexgalka Erik Ullenhag ayaa ku tilmaamay warbixintaan mid walwal abuureysa.

“Haddii aad tahay qof dhalinyaro ah oo soo galooti ah oo aadan shaqo haysan ayaa dareemi kartaa in aadan bulshada qeyb ka ahayn” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa sheegay in shaqo la’aanta soo galootiga lagu sababayn karo dhaqaalaha aduunka oo hoosu dhacay. Si xal loogu helo arintaan ayuu sheegay wasiirku in loo baahanyahay dadaal badan iyo in iskuulada ay tahay in door muhiim ah ay ciyaaraan. Waxa kale oo uu sheegay in nidaamka cayrta loo baahanyahay in dib u habeyn lagu sameeyo.

“Dadkaan waa kuwo ku xiran taageerada cayrta, waxaan u baahanahay in aan ka fikirno xaga shaqada” ayuu yiri Erik Ullenhag.

Waxa uu intaas ku daray in bulshada amaankeedu ku jiro in dadku ay shaqeeyaan, kamuunada qaar ayaa taageero fiican bixiya sidii shaqo dadku ku heli lahaayeen balse waxa uu sheegay in loo baahanyahay in kamuunada guud ahaan ay ka qeyb qaatan iyo in sharciyada la badalo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here