Rabshado ka dhacay mudaharaadka Göteborg [Video – Sawirada]

19

Warcusub: Booliska ayaa sheegay in uu fashilmay mudaharaadkii cunsuriyiinta ee ay kaga soo horjeedeen Masaajidka iyadoo markii hore la filayay in kumanaan ay timaado balse waxaa la sheegay dad ka yar 200 oo keliya in ay ka soo qeyb galeen. Dhinaca kale mudaharaadkii lagu taageerayay Masaajidka ayaa gaaray 1000 ka badan.

Maanta waxaa magaalada Göteborg ka dhacay mudaharaadkii ugu weynaa mudo 10 sano ah, halkaasoo ay isku dheceen labada dhinac oo kuwana ka soo horjeedaan Masaajidka halkaas laga dhisay iyo kuwa taageersan. Labada dhinac ayaa dhagaxaan isku tuuray iyadoo wargeyska Göteborsposten uu qoray in dhinaca ka soo horjeeda cunsuriyiinta ay dhagaxaan ku tuureen dhinaca kale, iyagoo isku dayay in ay weerar ku qaadaan.

Booliska ayaa waxay sameeyeen xayndaab aysan ka gudbi karin labada dhinac iyagoo xiray dad ka badan 10 qofood. Xaalada ayaa lagu sheegay mid kacsan oo labada dhinac laga yaabo in ay si kafool kafool ah isugu dhacaan. Booliska ayaa sheegay in ay filayaan qalalaasaha hada dhacay iyo kuwa kaleba maadaama labada dhinac oo mudaharaadaya ay neceyb isku qabaan. Askar qaas loo tababaray ayaa laga keenay Stockholm iyo Malmö.

Dibad baxa ayaa socon doonaa ilaa 18.00, waan ku soo dari doonaa wixii soo cusboonaada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here