Nolosha Falköping

2

Magaalada Falköping waa magaalo ku taala galbeedka Sweden kana tirsan gobolka Västra Götaland. Magaalada ayaa waxay u dhowdahay caasimada Labaad ee Sweden Göteborg iyadoo u jirta 1 saac. Falköping waxaa ku nool dad gaaraya 31 513 sanadka 2011.

Magaalada Falköping ayaa waxaa ku nool Soomaali la taaban karo iyadoo ay maamulka magaalada ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen Soomaalida cusub. Hadaba waxaan mowduucaan ku eegeynaa sida ay tahay qeybaha kala duwan ee nolosha magaalada.

Guryaha: Waqtiyadii hore ayay fududeyd in laga helo guryaha magaalada balse waqtiyadii dambe dadka ayaa ku soo batay iyadoo hada ay qaadato in qofku sugo ilaa 8 bilood si uu uga helo guri magaalada. Qiimaha guryaha ayaa kala ah 1 qol oo u dhexeeya 2500-3000Kr halka 2-qol ay u dhexeeyaan 3000-4000kr. Shirkadaha guryaha bixiya ayaa waxaa la shaqeeya wiil Soomaaliyeed oo u dhexeeya iyaga iyo Soomaalida.

Waxbarashada: Magaalada Falköping jaamacado kuma yaalaan balse waxaa ku yaal dugsi sare oo Sweden magac ku leh. SFIga ayaa la sugaa ilaa 2 bilood marka qofka uu cusubyahay. SFIga ayaa lagu dhigtaa xarunta Lärcenter oo ay sidoo kale dhigtaan arday badan oo Swedish iyo ajanabi ah. Qaadashada Körkort ayaa la ii sheegay in ay ka sahlantahay Falköping. Soomaalida qaar ayaa ii sheegay in iskuulka SFIga laga mamnuucay in ay ku tukadaan iyo in ay telefoonada ku hadlaan.

Shaqada: Soomaalida magaalada ku dhaqan ayaa ii sheegay in intooda badan ay heleen shaqooyin waqti gaaban ah oo 6 bilood ilaa 1 sano ah kuwaasoo uu bixiyo kamuunka. Praktiga qasab kuma ahan dadka balse qofkii doonaya waxay u sahleysaa in uu shaqo ku helo. Sidoo kale Soomaalida ayaa waxay ka qeyb qaataan mashruucyo kala duwan iyadoo Anders Lindström oo ka mid ah dadka ka shaqeeya kamuunka uu ii sheegay in ay hada hawshooda wadaan mashruuc beeralay looga dhigayo Soomaalida oo hada ay bilaabeen abuuritaankii khudaarta.

Nolosha Guud iyo isku Socodka: Soomaalida Falköping ayaa waxay leeyihiin jaaliyad firfircoon oo si weyn ugu dadaasha arimaha mideynta qoysaska . Magaalada ayaa waxaa ku yaala dukaamada waaweyn sida ICA, Wills iyo COOP iyadoo sidoo kale ay ku yaalaan 2 dukaan oo ay leeyihiin dad carab ah. Waxay Sidoo kale Soomaalidu leeyihiin lokal jaaliyadu ay leedahay iyo goob ay ku tukadaan.

Xaga isku socodka ayaa magaalada waxaa ka shaqeeya basas iyadoo dadka ay iska dhiibayaan haddii aay doonayaan kaarka. Sidoo kale Falköping ayaa waxaa mara tareemo kala duwan oo isku xira Göteborg iyo Stockholm.

Warbixintani waa mid ka mid ah barnaamijkii aan ugu tala galnay in aan kaga warano nolosha kamuunada Sweden. Adiguna waxaad noo soo diri kartaa warbixin ku saabsan nolosha kamuunka aad ku nooshahay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here