Muslimiinta Flen oo kaniisad iibsaday [Video]

9

Sida aad isbuucaan ku aragteen xayeysiinta kor ku xusan Muslimiinta Flen ayaa iibsaday Kaniisad iyagoo ku badalaya Masaajid lagu magaacabo Alhouda Masjid. Xiriir ay nala soo sameeyeen maamulka Alhouda ayay ku dalbadeen in fariintooda la gaarsiiyo Muslimiinta ku nool Sweden iyo caalamka si ay uga qeyb qaataan dhameystirka Mashruucaan.

Kaniisada Pingstkyrkan ayay Muslimiinta ku iibsadeen 4 milyan oo karoon iyadoo laga doonayo in lacagtaas ay ku bixiyaan mudo 1 sano gudaheed ah, sidaa darteed ayay Muslimiinta flen waxay codsi u dirayaan dhamaan in laga qeyb qaato bixinta lacagtaas.

Saxaafada Sweden ayaa u muuqata in arintaan ay dhinac kale ka eegayaan iyadoo isbuucaan lagu soo qaatay arinta kaniisada Masjidka laga dhigayo. Iyadoo warbaahinta cunsuriyiintu ay ka dhigayaan in Muslimiintu ay goobaha Kiristaanka la wareegayaan. Balse marka dhinac laga fiirsho ayay arintaan isugu imaaneysaa hawl ganacsi oo Muslimiinta ay iibsadeen goob la iibinayay.

Mar wax laga weydiiyay madaxa Kaniisada la iibiyay ayay u sheegtay warbaahinta.

“Wada tashi badan ayaan ka sameynay arinta, qaar naga mid ah ayaa sheegay in aan Muslimiinta laga iibin goobta maadaama wadamada Muslimiinta lagu waxyeeleeyo Kiristaanka” ayay tiri Christina Blomqvist.

Waxay intaas ku dartay in kama dambeystii ay go’aansadeen in ay Muslimiinta goobta ka iibiyaan maadaama aysan Muslimiinta Sweden masuul ka ahayn dhibaatada lagu haayo Kiristanaka ku nool bariga dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa loogu baaqayaa in Soomaalida Sweden ku nool ay ka qeyb qaataan dhameystirka mashuurcaan , cidii daneynaysa barnaamijkaan waxay kala xiriiri karaan.

KALA SOO XIRIIR TEL:TEL:0720317994 –0046720317994 Jamaal. ama 0762241515 –0046762241515 Baliile ama 0767158909 –0046767158909 ama emailka  ziizbaliile@baliile.com ama bismilaah@hotmail.com www.alhoudaflen.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here