Mudaharaadkii ugu weynaa oo ka dhacaya Göteborg

6

Maalinta bari ah ee taariikhdu tahay 21 Maj ayaa waxaa magaalada Göteborg ka dhacaya mudaharaadkii ugu weynaa oo lagu taageerayo Masaajid halkaas laga dhisayo, mudaharaadka ayaa jawaab u ah mudaharaad ay qabanqaabinayaan cunsuriyiinta oo lagaga soo horjeedo Masaajidka.

Dhamaan Soomaalida iyo Muslimiinta ku dhaqan Göteborg iyo agagaaraheeda ayaa loogu baaqayaa in ay ka soo qeyb galaan dibad baxaan aadka u balaaran iyadoo xitaa ay ka soo qeyb gali doonaan Muslimiin ka kala imaaneysa daafaha Yurub iyo Xitaa cunsuryiinta oo iyagana ka imaanaya Yurub.

Mudaharaadka lagu taageerayo dhismaha Masaajidka ayaa ka dhici doona goobta lagu magacaabo HJALMAR BRANTINGSPLATSEN saacadu markay tahay 11.00 subaxnimo. Waxaa ka soo qeyb gali doonaa dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada oo isugu jiro Muslimiin iyo gaalo intaba.

Dibad baxa ayaa noqon doona mid nabad galyo ah oo ay ka mamnuuc tahay qalalaasaha. Booliska aya heegan ku jira iyagoo sheegay in la filayo mudaharaadkaan uu noqon doono kii ugu weynaa ilaa sanadkii 2001.

Mudaharaadka lagaga soo horjeedo cunsuriyiinta ee lagu taageerayo Masaajidka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay ururada hoos ku qoran.

  • Centrum mot Rasism
  • Eritreanska föreningen
  • F! Feministiskt Initiativ
  • Göteborg mot rasism
  • Islamiska Förbundet
  • Judar för Israelisk-Palestinsk Fred
  • Kommunistiska Partiet
  • Kulturgruppen för Resandefolket – Göteborgsregionen
  • Ingen Människa Är Illegal
  • RKU
  • Socialistiska Partiet
  • Svensk-egyptiska vänskapsföreningen
  • Sveriges Kommunistiska Parti
  • Sveriges Muslimska Stiftelse
  • Ung Vänster
  • Uppsalabor Mot Rasism
  • Vänsterpartiet
AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here