Mudahaarad ka dhacay Stockholm [Sawirada]

40

Mudaharaad si weyn loo soo agaasimay ayay Soomaalida Sweden maanta ka dhigeen irada Baarlamaanka Sweden kaasoo looga dhiidhinayay shuruudaha adag ee ay Sweden ku xirtay mideynta reeraha Soomaalida.

Mudaharaadka ayaa waxaa ka hadlay hooyooyin loo diiday ilmahooda iyo gudiga soo agaasimay dibad baxa. Soomaalida ka soo qeyb gashay dibad baxa ayaa si sharaf leh ku soo bandhigay shucuurtooda iyagoo si nabad galyo ah ku muujiyay dareenkooda. Waxaa ka soo qeyb galay mudaharaadka dad gaaraya 1500 200 qof sida ay noo sheegeen gudiga qabanqaabada.

Intii ay u suurto gashay ayaa si toos ah uga dhageysatay dibad baxa oo uu soo tabinayay wariyaheena Saciid Cabdi Cusmaan. Qofkii uu dhaafay waxa uu ka dhageysan karaa hoos. Sidoo kale mardhow waxaan soo galin doonaa sawirada mudaharaadka.

Dooda baarlamaanka ayaa la filayaa in ay dhamaado saacadu markay tahay 16.00 – waqtigaas ka dib ayaan soo qori doonaa mowduuc ku saabsan dooda.

Dooda waxaa si toos ah uga daawan kartaan telefishinka SVT Forum. http://svt.se/svtforum
Live Broadcasting by Ustream

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here