Maqaal: baaritaan ku saabsan arimaha mideynta reeraha

19

Warbixin muhiim ah: Baaritaan dheer oo aan samaynay ayaa waxaa soo baxaya in isku keenista caruurta iyo waalidiinta kala maqan sideey isula midoobi lahaayeen ay ku xeran tahay ogolaansho laga helo Xisbiga talada haya ee Xukuumada Ra’iisul Wasaaraha uu ka yahay Fredrik Reinfeldt taasoo yadadiilo weyn laga qabo.

Goor dhaw ayaa Mika’ila Waltersson oo ka tirsan xisbiga cagaaran ee miljöpart-gu ku sheegtey wareeysi ay idaacadda P 1-ku la yeelatey in xisbigeedu rajo weeyn ka qabo in go’aano lagu diirsadaa ka soo baxaan wadahadalka u dhexeeya xisbigeeda iyo dawladda kaas oo la xiriira sidii Soomaalida loogu sahli lahaa in ay dalkaan keensadaan eheladooda dibadda uga maqan.

Sidoo kale waxaa warkaasi mid ka duwan kasoo baxay todobaadkii hore Maxkamadda Sare ee dalkaan Sweden waxay mar labaad soo saartey go’aan dhaba tus ah, kaas oo ah in lagu sii socdo go’aankeedii hore oo ahaa, in dadka ehelkooda dalkaan Iswiidhan loo keenayo, lagu xiro shardi ah in ay heeystaan baasaboor iyo waraaqo aqoonsi oo la aqoonsan yahay taasoo ay adag tahay in Soomaalida sharuudahaasi ay soo buuxin karaan.

Maxkamadda ayaa intaas ku dartey in haddii la rabo in dadkaas la siiyo xuquuqda bulshada Midoowga Yurub ku dhaqan ama daganaashaha ku leh sidii ilmahooda loogu keeni lahaa, go’aan siyaasadeed ayaa loo baahan yahay , sidaasna waxaa qorey wargeeyska maalinlaa ee Dagens Nyheter.

Sida la wada ogsoon yahay Soomaalida dalkaan dagan ayaa ah dadka ugu badan oo uu go’aanka Maxkamaddaasi saameeyey, laga soo bilaabo bishii maarso ee sanadkii hore. Baasaboorka iyo waraaqaha aqoonsi ee soomaaliya ayuusan dalkaani aqoonsaneeyn, maadaama wax dawlad ahi aysan Soomaaliya ka jirin labaatankii sanee la soo dhaafey.

Qiyaastii dhallaan Soomaaliyeed oo gaaraya ilaa 1,500 kun iyo shanboqol oo ilmood oo waalidiintoodna joogaan dalkaan Iswiidhan ayaa loo diidey codsiyadoodii la xiriirey, in ay eheladooda la midoobaan taas oo sabab looga dhigey in aysan heeysan waraaqa aqoonsi iyo baasabooro la aqoonsan yahay.

Mikael Ribbenvik oo ah madaxa shuruucda ee hey’adda socdaalka ayaa sheegey, in go’aanka maxkamaddu , hey’addayada farayo in aanaan kooxna ka dhaafin shuruudahaas la xiriira waraaqaha aqoonsiga.

Mikael Bibbenvik ayaa intaas ku darey in arrinkaani hadda yahay mid siyaasadeed, waa haddii la rabo in qofku helo xaqqa uu u leeyahay in ehelkiisa uu la midoobo, lagana hormariyo shuruudahaan la xiriira baasaboorada iyo waraaqaha aqoonsiga.

Maxkamada Sare ayaa soo saartay in dhamaan soo galootiga ka imaanaya aduunka qeybahiisa kala duwan aanan la siinin oo la joojiyo Baasaboorka dalkan Sweden ee loo yaqaan främling passport (Baasaboorka la siiyo ajnabiga soogalayo Sweden) kaasoo mudo sannad ah kaliya shaqeeyo iyadoo lagu soo galo oo kaliya dalka Sweden. Främling passport waa kan la siiyo Soomaalida dadkooda usoo dacwooda ee inta badan ku imaan jireen dalkan Sweden marka ay kasoo socdaalayaan dal kale ayaa gabi ahaan la joojiyey.

Hadaba maxkamada Sarre go’aankaasi waxba kama badali karto mar hadii sharcigaasi la baabi’iyey soomaalidana ma keensan karaan Passport shaqeynaya. Maxay tahay wadada kaliya ee furan mar hadii Maxkamada ay sheegtay inaan caqabadasi hal dal kaliya laga qaadi Karin waa mixni aad u weyn.

Dad badan oo aan aniga ka mid ahay ayaa Maxkamada Sarre waxay go’aan ku gaartay in waaxda Socdaalka ay wax ka qabato arrimaha qoysaska kala maqan wadadda kaliya ee ii furan ayaa ah inaay DNA ii diraan balse waxa caqabada ugu horeysa ay noqotay markii aan la xiriiray ninka gacanta ku haya dacwadeeyda oo uu sheegay in ay ka war sugaayaan siyaasada oo wax laga badalo mar hadii Maxkamada Sarre ay dacwadeeyda kusoo celisay waaxda Socdaalka ayaa noqonaysa in DNA ay waxba taraynin oo hadii la ogaado in DNA uu sheego sida saxda ah aysan awood u lahayn inaay Passportiga la diiday ay kusoo safri karaan caruurtaasi.

Wey iska cadahay in siyaasadda dalka Sweden ay tahay in ay wax kabadasho caqabadaha horyaala Soomaalida iyadoo maxkamada Sarrena ay soo saarayaan go’aano lid ku ah waaxda Socdaalka.

Maxaa la gudboon Soomaalida? Sida ay ila tahay Soomaalida ku nool dalka Sweden waxaa la gudboon inaay samir yeeshaan kana war sugaan gudigaan loo xil saaray inaay soo baaraan sidii loo xadeeyn lahaa qaladaadka mar waliba ka dhaca waaxda Socdaalka iyo dacwoodayaasha Soomaalida ah. Waxa lagu maqan yahay waa in Soomaalida oo loo fasaxo caruurtooda waayna adkaan doontaa in si sahal ah lagu keeno carruuraha la korsado iyo kuwa guud ahaan aan la dhalin ee qaabab kala duwan loogu doodo.

Warar kale oo madax banaan ayaa sheegaya in dhawaan ay soo bixi doonaan go’aano wax utaraya Somaalida oo dhan lamase oga waqtiga ay qaadan doonto, waxaase waxba kama jiraan ah warar la isla dhex marayey ee sheegaya in 2013-ka la furi doono isu keenista famiilka kala maqan, warkaasi ayaa naloo xaqiijiyey inaaysan waxba ka jiran oo gudiga ay hada gacanta kula jiraan.

Maxamed Cabdulle Xasan “Siidi”
soomaalidamaanta@live.com
Borlänge – Sweden

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here