Laanta Socdaalka oo baaritaan ku sameysay xaalada Soomaaliya

11

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) iyo Xarunta Macluumaadka Wamada Hooyo ee Norway (Landinfo) ayaa baaritaan ku sameeyay xaalada amaanka Soomaaliya. Gudi ka socday labada laamood ayaa safar xaqiiqo raadin ah ku tagay magaalada Nairobi iyagoo wareysi la yeeshay dad ay sheegeen in ay aqoon dheer u leeyihiin xaalada Soomaaliya. Warbixinta ayaa lagu eegay sadex arimood oo kala ah Difaaca Qabiilka, Xaalada Amaanka iyo Xaalada goobaha ay maamulaan Xarakada Al-shabaab.

Xaalada ay ku noolyihiin shacabka Soomaalida ayaa lagu tilmaamey in ay ku xirantahay halka ay ku nool yihiin, dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay la daris yihiin duqeyn naxariis daro ah oo ay u geystaan ciimada Dowlada iyo Amison oo dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab oo dhinaca kale ah. Gobolada kale ee dagaalada ka jiraan ayaa la sheegay in qasaaraha ka dhashaa uu ka yaryahay mida Muqdisho. Xaalada goobaha ay maamulaan Al-shabaab ayaa la sheegay in kastoo aan la jecleyn hadana ay dadku nabad ku haystaan. Dhinaca kale dadka ku nool gobolada ayaa la sheegay in dhibaato abaaro iyo cunto la-aan ay haysato.

Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay warbixinta in waqtiyadii dambe ay dabeecadoodii ku wajahneyd qabiilada ay isbedeshay oo ay hada bilaabeen in ay wadashaqeyn la sameeyaan beelaha. Waxaa la sheegay in beelaha yaryar ay kor u kacaan awoodooda markii ay iskaashi la sameeyaan Al-shabaab. Waxaa warbixinta lagu sheegay in xarakada ay aad u daneeyaan qorida caruurta da’dooda u dhaxeysa 12-16 sano in ay ka midnoqdaan ciidamada. Warbixinta ayaa lagu sheegay dadka baxsada Xarakada in dadka waaweyn ay qatar ugu jiraan in la dilo iyadoo caruurtana ay cinqaabaan oo keliya.

Warbixinta ayaa inta badan ku saabsaneyd Xarakada Alshabaab iyo nidaamka ay u shaqeeyaan iyadoo la dhihi karo tani waxaa ka dambeeya ka dib markii Soomaalida Sweden iska dhiibtaa ay inta badan sheegtaan in ay ka soo carareen Al-shabaab. Xarakada ayaa warbixinta lagu sheegay in ay raadsadaan dadka xiriirka la leh dowlada, kuwa u shaqeeya haydaha iyo ururada reer galbeed iyo kuwa firfircoon ee qatar ku noqon kara hawlahooda.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ciimada Al-shabaab aysan sharciga qaban oo iyaga ay sidii la doono u turjumaan. Waxaa warbixinta lagu sheegay in ciimada al-shabaab ay markii ay guursanayaan gabdhaha u soo maraan sida sharciga ah oo ay waydiistaan aabahood balse haddii uu diido si qasab ah looga guursado. Waxaa warbixinta lagu sheegay in ay jiraan waalidiin si rabitaan ah u siiya gabdhooda ciimada Al-shabaab. Dumarka ay ka dhintaan ciimada ayaa loo guuriyaa askarta kale iyadoo la isticmaalayo dumaal ayaa lagu sheegay warbixinta.

Dhinaca Difaaca qabiilka uu qofku ka helo karo ayaa la sheegay in sanadihii 2007 ilaa 2008 barnaamijkaas uusan shaqeynayn oo aysan beeluhu qof ka difaaci karin qatar, balse waxaa la sheegay in beryahaan dambe uu soo noqday iyadoo difaaca qofka la siinayo uu ku xiranyahay goobta iyo qabiilka uu ka dhashay. Goobaha aysan maamulin Al-shabaab ee ka baxsan Muqdisho ayaa la sheegay in difaaca qabiilku uu ka shaqeeyo. Goobaha ay al-shabaab maamulaan ayaa la sheegay in qofku difaac ka helo qabiilkiisa in ay ku xirantahay xiriirka ka dhexeeya qabiilkaas iyo xarakada.

Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in uusan ka shaqeyn wax difaac qabiil ah maadaama dadka ku nool ay beelo badan ka soo jeedaan oo magaaladana ay u kala qeybsantahay labo dhinac.

Guud ahaan xaalada Amaanka ee Soomaaliya qaasatan magaalada Muqdisho iyo agagaaraheeda ayaa lagu tilmaamay mid aan soo wanaagsanaan in ay ka soo darto mooyee, goobaha ay maamulaan Xarakada ayaa la sheegay in ay nabadi ka jirto balse dadku ay ku nool yihiin qasab. Dowlada iyo Amison ayaa la sheegay in ay dhibaatada duqeynta ay qeyb ka yihiin.

Warbixintaan ayaa faaiido u leh Laanta Socdaalka in ay eegaan markii ay qiimeynayaan dacwada dadka Soomaaliyeed ee iska dhiiba Sweden. Warbixinta ayaa laga dheehan karaa in dacwada ay qortaan inta badan Soomaalida iyo nuxurka warbixinta in ay isleeyihiin.

http://www.migrationsverket.se/include/lifos/dokument/www/110526102.pdf

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here