Kamuunka ugu nolosha fiican Sweden

0

Kamuunka Lomma oo ka tirsan gobolka Skåne ayaa noqday kamuunka ugu nolosha fiican Sweden sida lagu soo bandhigay baaritaan sanadle ah oo uu sameeyo wargeyska Fokus. Lomma oo sanadkii la soo dhaafay gashay kaalinta labaad ayaa sanadkaan noqotay kamuunka koowaad, meelaha ay dhibcaha ku heleen ayaa waxaa ka mid ah Kamuunka ugu fiican familada, dhalinyarada iyo shaqada.

Lomma ayaa sidoo kale sanadkii 2006 ku guuleysatay biladaan. Lomma ayaa lagu amaanay xaga daryeelka iyo iskuulada.

Magazinka Fokus ayaa baaritaan balaaran ku sameeya dhamaan kamuunada Sweden iyagoo sanad kasta soo saara kamuunka ugu nolosha fiican sanadkaas. Sanadkii la soo dhaafay ayaa waxaa ku guuleystay kamuunka Habo ee gobolka Västergötland balse sanadkaan ayay gashay nambarka 11.

Kamuunka ugu nolosha liita ayaa waxaa galay Ljusnarsberg oo ka tirsan Örebro. Iyadoo la sheegay in aysan u wanaagsaneyn nolosha familada iyo dadka waaweyn.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here