Dhaliilaha qorsheynta mudaharaadkii Stockholm

21

Inkastoo la dhihi karo mudaharaadkii Soomaalidu ka dhigeen irida baarlamaanka guul ayuu ku dhamaaday hadana waxaa jira eedeymo soo baxaya oo ku saabsan qorsheynta mudaharaadkaas. Mudaharaadka ayaa waxaa soo qabanqaabiyay ururo badan oo ay ka mid yihiin ururka Gabdhaha Soomaaliyeed ee Gävle, Jaaliyada Falköping, Sinnaannätverk Göteborg, Soomaalida Södermanland, anaga Somaliska.com oo ka qeyb qaadanay faafinta fariinta iyo sidoo kale ururka Somaliksa Riksförbundet i Sverige (SRFS) oo soo saaray ogolaanshaha booliska.

Waxaa soo baxaya in dibad baxa ay ka soo qeyb galeen dad gaaraya 200 qof.  Tiradaas waa cirbad bada la dhexdhigay marka loo barbar dhigo Soomaalida ku nool Sweden iyo qaasatan kuwa ku nool Stockholm. Ogolaanshaha dibad baxa ayaa soo baxay ka hor 1 maalin oo keliya waqtiga uu dibad baxa qabsoomay taasoo la dhihi karo waa fashil ka yimid xaga SRFS oo iyagu dalbay ogolaanshaha.

SRFS ayaa ku doodaya in ay xareeyeen codsiga ogolaanshaha 26 April balse waqtigaas uu ku soo aaday fasaxii påskiga. Hadaba maxay ku dhacday in 1 isbuuc ka hor la xareeyo iyadoo la ogaa in dooda baarlamaanka ay dhacayso waqti ka badan 3 bilood? maxayse ku dhacday in Stockholm oo ah xarunta SRFS  ayna ku nool yihiin Soomaalida ugu badan Sweden in aysan si hufan uga soo qeyb galin dibad baxa?

Dadka ka soo qeyb galay dibad baxa ayaa basas uga yimid Göteborg, Falköping, Eskilstuna, Gävle iyo magaalooyin kale. Stockholm oo keliya ayaa laga heli karay 2000 ka badan. Dad aan la xiriiray oo Stockholm ku nool ayaan xitaa war ka hayn in Soomaalida dibad bax dhigayaan.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaalida sweden waxay doonayaan in ay helaan hogaan cusub oo si midnimo ah ugu dadaala dhibaatooyinka haysta. Waa in la helaa dad u taagan wargalinta bulshada si hufan. Waxaa la doonayaa in ururada Soomaaliyeed ay xaqiijiyaan in laga faaido magacooda.

Dadaalkii iyo dibad baxyadii intaan kuma dhamaan, sidaa darteed waa in la sameeyaa wada tashi oo bulshadu helaan hogaan firfircoon oo albaabkasta u garaacaya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here