Dagaal cusub oo lagu qaadayo cunsuriyada

11

Dowlada ayaa baaritaan ku sameyneysa sidii dagaal cusub loola gali lahaa cunsuriyada ka dib markii SD ay soo galeen baarlamaanka, iyadoo dowlada ay Iskuulada bartilmaameed ka dhigeyso. Waxaa la sheegay in aragtida ardada dhigada dugsiyada sare ee ku wajahan dadka Qaniisiinta ah ay soo wanaagsanaatay balse ay siyaaday cunsuriyada iyo aragtida xun ee loo hayo dadka Yuhuuda iyo Muslimiinta ah.

Wasiirka isdhexgalka Erik Ullenhag ayaa sheegay in tani ay cadeyneyso in hawl u taal, waxa uu sheegay in jiil kasta loo baahanyahay in la kasbado isagoo sheegay in loo baahanyahay in dhalinyarada laga talaalo cunsuriyada.

Dowlada ayaa magacowday khabiir baaritaan ku sameynaya cunsuriyada iyo sidii xal loogu heli lahaa. Wasiirka ayaa sheegay Muslimiinta iyo Yuhuuda uu la kulmay in ay u cadeeyeen cabsida ay ka qabaan cunsuriyiinta. Waxa uu tusaale u soo qaatay haweeney Soomaaliyeed oo sanadkii la soo dhaafay lagu cunsuriyeeyay magaalada Tomelilla.  Khabiirka loo saaray arimahaan ayaa laga doonayaa in uu bisha Oktobar soo bandhigo sababaha ka dambeeya cunsuriyada iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Iskuulada ayaa la doonayaa in ay ka qeyb qaataan la dagaalanka cunsuriyada. Wasiirka ayaa si aan toos ahayn u weeraray xisbiga cunsuriga ah ee SverigeDemokraterna waxa uu sheegay in uusan iyaga toos u weerarayn balse soo galitaankoodii baarlamaanka uu muujinayo in loo baahanyahay in cunsuriyada la hor istaago. Wasiirka ayaa ka digay in Sweden ay raacdo wadada ay mareen dhowr wadan oo ka mid ah Yurub oo cunsuriyiintu ay la wareegeen isagoo tusaale u soo qaatay dalka Denmark.

SD ayaa ku tilmaantay dagaalkaan cusub ee lagu baaqay mid borobogaando ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here