Dad badan oo Sweden laga musaafurinayo

14

Tirada dadka qasabka looga musaafurinayo Sweden ayaa la filayaa in ay siyaado 30% sanadka aan ku jirto taasoo ay ka dambeyso heshiiskii dowlada iyo xisbiga Deegaanka ay ka gaareen arimaha Magangalyo doonka. Heshiiska waxaa ka mid ahaa in dadka loo diido sharciga si qasab ah looga musaafuriyo dalka.

Booliska gobolka Skåne ayaa bilaabay nidaam cusub oo ay ku raadsanayaan dadka sharciga loo diiday ee dhuumaalaysiga ku jooga Sweden. Booliska gobolkaas ayaa sameeyay koox u gaara dabagalka Magangalyo doonka la diiday.  Kooxdaan ayaa baaritaan ku sameeynaya goobaha shaqada iyo warbixinada ay ka helaan dadka iyagoo soo xiraya dadka aan degenaanshaha haysan.

Nidaamkaan cusub ee ay ku dhaqmayaan booliska Skåne ayaa natiijo fiican ka soo baxday iyadoo inta u dhaxeysay bilihii Janaayo ilaa Maarso 115 qof laga saaray wadanka marka loo barbar dhigo sanadkii hore isla waqtigaas oo 81 qof laga saaray wadanka.

Waxaa la filayaa dad ka badan 3200 in si qasab ah looga musaafuriyo Sweden sanadkaan hada socda. Booliska ayaa sheegay in ay dad badan musaafurin lahaayeen balse aysan hayn goobo ay dadka ku hayaan.

Sweden ayaa waqtiyadii dambe Soomaalida inta badan sharciga siineysa balse waxaa na soo gaaray warar sheegaya in Sweden ay dad Soomaali ah u musaafurisay wadamada dariska la ah Soomaaliya, taasoo sharci daro ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here