“Baarlamaanka ayaan teendho ka hor dhisanaynaa”

45

Soomaalida Gävle ayaa ku dhawaaqay in ay qorsheynayaan in ay teendhooyin ka dhistaan irida baarlamaanka Sweden oo ay halkaas degenaadaan ilaa loo ogolaanayo in reerahooda lala mideeyo. Fikradaan ayaa waxaa warbaahinta u diray ururka gabdhaha Soomaaliyeed ee Gävle (Somaliska kvinnoföreningen i Gävle).

Naciimo Cali Hussein oo ah afhayeenka ururka ayaa wargeyska Arbetarbladet u sheegtay in aysan go’aamin waqtiga ay sameynayaan arintaan balse ay ka go’antahay in wax uun ay sameeyaan.

Hadaba maka dhabayn doonaan ururka gabdhaha Soomaaliyeed ee Gävle in ay teendho ka hor dhistaan baarlamaanka Sweden? Su’aashaas ayaan hada jawaabteeda cadeyn balse haddii ay ka dhabeeyaan ayay noqoneysaa mid ay ku baraarugi doonaan siyaasiyiinta Sweden.

Dhinaca kale dhamaan ururada soo galootiga ee ka dhisan magaalada Gävle ayaa heshiis ku gaaray in way wadashaqeyn sameeyaan oo dhisaan shabakad ay ku mideysanyihiin. Ujeedada dalada ayaa noqoneysa in la hor mariyo isdhexgalka bulshada. Dalada ayaa Soomaalida waxaa ugu jira 7 urur.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here