6 bilood ayay qaadan kartaa mideynta reeraha

10

Warar kala duwan ayaa laysla dhexmarayay beryahaan dambe iyadoo warbaahinta Soomaalida qaargood laga sheegay in Soomaalida shuruuda laga qaadayo mudo isbuucyo ah. Warbixintaas meesha laga keenay anaga ma ogin. Waxaan aad u daba galnaa arimahaan balse ma aanan maqal cid noo xaqiijisa waqti cayiman oo la xalinayo arinta Soomaalida marka laga reebo “sida ugu dhaqsiyaha badan”.

Gunvor G Ericson waa mudane ka tirsan baarlamaanka qaasatan gudiga arimaha Bulshada oo u fadhiya xalinta arinta Soomaalida, mar ay la hadashay wargeyska Kkuriren ee ka soo baxa Katrineholm ayay sheegtay in ay qorsheynayaan sidii xal loogu heli lahaa arintaan iyadoo intaas ku dartay in muhiimada koowaad la siinayo danaha caruurta. Waxay sheegtay in sharciga bedalkiisa ay waqti qaadato oo ugu yaraan 6 bilood ay qaadan karto in isbedel la sameeyo.

Hadalka Gunvor ayaa la dhihi karaa waa midka ugu xaqiiqada dhow ee arintaan ku saabsan maadaama ay ka tirsantahay gudiga ku shaqada leh arintaan, isla markaana ay xubin ka tahay xisbiga Miljöpartiet oo hogaanka u haya arinta Soomaalida.

Si kastaba ha ahaatee, 6 bilood ayaan ahayn waqti sidaa u sii dheer balse su’aashu waxay tahay ma dhici doontaa in waqtigaas ka dib ay midoobaan waalidiinta iyo caruurtooda kala maqnaa mudo dhowr sano ah. Sheyga keliya ee wax ka badali kara xaalada Soomaalida ayaa lagu sheegay in uu yahay sharci cusub.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here