Warbixin: Denmark oo ajaanibta iska saareysa

2

Dalka dariska Sweden la ah ee Denmark ayaa waqtiyadaan dambe noqday mid ay la wareegeen cunsuriyiin iyagoo siyaasadii soo galootiga ee dalkaas ka dhigay mida ugu adag  Yurub. Denmark ayay adagtahay in magangalyo laga helo iyagoo hada bilaabay sidii ay dalka ugu saari  lahaayeen soo galootiga hada jooga.

Mashruuc cusub oo ay soo saartay dowlada ayaa lagu soo bandhigay in abaalmarin lacageed la siin doono Kamuunada dalka ka saara soo galootiga. Kamuunkii ku guuleysta in ay qof soo galooti ah dalkiisa ku celiyaan ayaa la siin doonaa 30,000kr qofkiiba. Arintaan ayaa la cambaareeyay oo lagu sheegay in ay ka soo horjeedo qaanuunka caalamiga ah.

Dadka ku nool Sweden ayaa dareemi kara saameynta ay arintaan ku yeelan karto soo galootiga Denmark, Kamuunada denmark ayaa sida Sweden oo kale ah kuwa bixiya adeegyada bulshada. Kamuunkii doonaya in ay lacagtaas abaalmarinta ah qaataan ayaa sameyn kara in ay nolosha ku adkeeyaan dadka soo galootiga ah ee ku nool magaaladooda.

Denmark ayaa hada waxaa ka diga siyaasiyiinta Sweden in aysan raacin wadada ay raaceen Denmark, oo xitaa joojisay in dadka Danishka ah iyo soo galootiga ay isguursadaan. Xisbiga Cunsuriga ah ee Dansk Folkeparti oo u dhigma Sverige Demokraterna ayaa Denmark ka ah kan sadexaad ee ugu weyn. Xitaa xisbiyada kale ee Denmark ayaa siyaasadoodii ka dhigay mid ku saleysan cunsuriyad.

Isbuucyadii la soo dhaafay ayaa Denmark xuduuda ka xiratay Sweden. Norway iyo Finland iyagoo bilaabay in ay baasaboor waydiiyaan dadka u kala safraya labada wadan, arintaan ayaa horey heshiis uga yaalay oo ahaa in aan wax dukuminti ah la waydiin dadka u kala safraya wadamada Iskaandaneefiya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here