Sweden iyo gudniinka firacooniga

7

Tirada gabdhaha lagu sameeyay gudniinka fircooniga ah ilaa sanadkii 1982 ayaa la sheegay in ay aad u yartahay waqtigaas oo Sweden mamnuucday gudniinka nuucaas ah. Warbixin ay soo bandhigtay jaamacada Uppsala ayaa lagu sheegay in 9 gabdhood oo keliya lagu sameeyay gudniinka fircooniga inta la,ogyahay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Sweden ay soo galeen 20,000 00 gabdhood oo ka yimid wadamada Somalia iyo Eritrea kuwaasoo da’dooda ka yartahay 18 sano, balse 46 dacwo oo keliya ayaa la soo bandhigay ilaa 1982, iyadoo 9 ka mid ah la xaqiijiyay, halka 2 kiis oo keliya la xukumay.

Balse warbixinta ayaa lagu sheegay in ay aaminsanyihiin in gabdho badan lagu sameeyo gudniinka fircooniga balse inta badan loo kexeeyo dibada oo aysan dacwo ka imaan.

Si kastaba ha ahaatee, gudniinka fircooniga ayaa ah mid dhibaato ku ah dumar badan oo Soomaaliyeed waloow sanadihii ugu dambeeyay wacyi kalin balaaran la sameeyay. Sweden ayay sharci daro ka tahay in gabdhaha dibada loo kaxeeyo oo la soo gudo iyadoo arintaas ay keeni karto in waalidiinta xabsi lagu xukumo iyo in la ganaaxo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here