Yaa u hadla Soomaalida qurbaha?

13

Bulsho kasta oo ku nool qurbaha waa in ay yeelataa dad ula hadla saxaafada oo tusaale u noqda, dadkaas tusaalaha u ah haddii ay noqdaan kuwo iyagu ka fog dhaqanka iyo diinta bulshadaas waxay dhibaato ku noqoneysaa in sawirka dhabta ah ee bulshadaas uu soo baxo. Mowduucaan waxaan ku keenay ka dib markii aan aqriyay mowduuc kus aabsan gabadh lagu magacaabo Amal Aden oo ku nool dalka Norway, gabadhaas oo wax badan ka qorta arimaha isdhexgalka sidoo kalena ah turjumaan Booliska dalkaas kala taliya arimaha Soomaalida ayaa markii aan u fiirsadey fikradaheeda waxay ka bariiseysaa sidii ay Soomaalida wadankaas ku nool ay u cambaareyn lahayd.

Warbaahinta cunsuriyiinta ayaa ku doodaya in gabadhaas ay tahay tusaalaha loo baahanyahay ee bulshada Soomaalida. Fikradaha gabadhaan ayaa waxaa ka mid ah in Jaaliyadaha Soomaalidu ay yihiin kuwo ka soo horjeeda isdhexgalka waloow ay sheegtaan in ay ka shaqeeyaan isdhexgalka.

Waxaa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalida ka qorto in Soomaalidu ay inta badan taageersan yihiin gudniinka fircooniga iyo in Soomaalidu ay qayaanaan qasnada cayrta. Haddii ay sax yihiin eedeymahaas iyo hadii aysan ahaynba waxaa Soomaalida loo baahanyahay in ay u soo baxaan dad ula hadla saxaafada oo ka turjumi kara dhaqanka iyo diinta bulshada. Waa in la helaa dad aan caado qaate ahayn oo an ka xishooneyn dhaqankooda balse ku faraxsan in ay sharaxaan iskuna dayaan in ay waafajiyaan nidaamka wadanka aan ku nool nahay.

Haddii Soomaalida ay hogaanka saxaafada u qabtaan dad iyagu raadsanaya xoogaa qarash ah oo markii hore nolosha ka dhacay sida gabadhaan oo markii hore daroogiisato ahaan jirtay (aflagaado igama ahan ee waa sida ay bogeeda ku qoratay) Soomaalida waxay ku qaadaneysaa waqti dheer in ay iska wareejiyaan darbiyada adag ee ay u dhigeen dadka nuucaas ah.

Waa in inteena ku faraxsan dhaqankeena iyo diinteena aan u istaagnaa sidii aan ula wareegi lahayn mikrofoonka saxaafada oo aan noqonaa cida shaashadaha ka soo muuqata ama la tixraaco markii laga hadlayo arimaheena. Isdhexgalku macnaheeda ma ahan in qofku diintiisa ka tago, ee waa in uu guul ka gaaro nolosha iyo wadanka uu ku nool yahay.

Haddii aad mowduucaan fikrad ku darsaneyso fadlan si xushmad leh ku soo gudbi adigoon shaqsi aflagaadeyn.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here