Wareysi Safaarada Sweden ee Addis Ababa

21

Waxaan nasiib u yeeshay inaan kulan aan dheerayn laqaato Slamawit Poulos oo safaarada Sweden ka ah NATIONAL PROGRAM OFFICER. Sargaalkaan ayaa wareysi dhowr su’aalood ah la yeeshay kaasoo sidaan u dhacay.

AHMED DHICIS :- See loo midayn karaa reeraha kala maqan ee doonaya daganaanshaha Sweden, mase tahay suurta gal in ay safaaradu sideedii hore ugu shaqeeyso dadka?

POULOS:- Hada Maxkamada Socdaalka ayaa bilowday in ay bixiso deganaanshaha Sweden waana lamidaynaya reeraha soomalida ah iyo dhamaan soo galootiga. Midaas watan kaliyah ee aan sugaynay oo nagu ahayd caqaba.

AHMED DHICIS :- Wax visa ah oo aad bixiseen ama aad ogalaateen miyay jiraan ?

POULOS:- Haa dad ayaa maxkamada socdaalka ogalaatay laakiin ilaa hada cid aan visa siinay majiraan.

AHMED DHICIS :- Intee ayay dhan yihiin dadka la ogaaladay, maadaama aad dadka u dirteen basaboor Somali ah ma waxay ka dhigan tahay in aad u saareysaan visada, mase waa cadayn oo kaliah ?

POULOS:- Aad ayaan uga xumahay inaanan hada shaacin karin inta qof la ogalaaday ama ladiiday balse waa ilaa dhowr qof oo ma badna hada. Tan kale sidaad ogtahay somaliya malaha dawlad iyo basaboor lagu safri karo oo caalamka aqoonsayahay gaar ahaan Swedan sidaa darteen ma lagu safri karo asaga laakiin waxaan siin doonaa baasaboorka “framlingspass” oo ay awalba ku safri jireen dadka soo galootigaa.

AHMED DHICIS :- Sida uu horay uga sharqamiyay MR.Jens Odlander waxaa jirta in reeraha doonaya midnima ay ka qaadi doonaan dheecaanka DNA arintaa maxaa ka jira ?

POULOS:- Way jirtaa midaas waxaana hada u dirnay caruur iyo waalidkood kala maqan dheecaanka DNA, taasna waxay hordhac u tahay xakamaynta ka ganacsiga dadka, waana mid ay ka sinaan doonaan midawga yurub laakiin hada aanan kawada hirgalin balse la sugayo.

AHMED DHICIS :- Maxaad ku cadayn kartaan inay jirto kanacsiga dadka ?

POULOS:- Mahan wax u baahan cadayn iyo in indhaha laga qabsado waana mid iska cad in dad ay kaxaystaan caruur aysan dhalin waana idinla soo socodsiin doona dhawaan.

Waraysigan ayaa meela badan ka taabanaya dadka doonaya inay kaxeyaan caruur aysan dhalin dhawaana laga sugayo midawga Yurub inuu ka dhaqan galo xakamaynta ka ganacsiga dadka.

Aabe soomaaliyeed oo lagu magacaabo Mohamed Ali Yuusuf ayaa ii sheegay in uu maray dhiiga DNA balse loo sheegay in caruurtiisa mid kamida uu san dhalin tanina ay wado u furayso Go’aanka lafilayo inuu hirgalo wakhtiyada soo socda.

Ahmed Abdikariim Hussein (Ahmed Dhicis) Addis Ababa ETHIOPIA

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here