Soomaali dhibaato ka haysato bixinta lacagta kirada

7

Soomaalida cusub ee ku biiray nidaamka isdhexgalka ee lagu wareejiyay xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen) ayaa dhibaato iyo jahwareer ka haysataa xaga lacagta. Xafiiska shaqada ayaa lacagta siiya dadka kala barka bisha halka qofka laga rabo in uu bixiyo kirada guriga kama dambeys 1-da bisha.

Soomaali dhowr ah oo aan la kulmay ayaa dhibaato weyn ka sheeganaya arintaan iyadoo qaarkood loo soo tuuray ganaax maadaama ay la soo daaheen lacagtii kirada. Markii ay xiriir la sameeyeen Xafiiska Shaqaaleynta ayaa isku tuur tuur lagu bilaabay oo lagu yiri kamuunka ayaa idinka caawinaya arintaas, halka kamuunaduna ay dadka ku leeyihiin xafiiska shaqada ayay arintaas u taalaa.

Si kastaba ha ahaatee Soomaalida cusub ee galay nidaamka cusub ee isdhexgalka ayaan ku faraxsanayn sida ay wax u socdaan iyagoo kuu sheegaya in nidaamkii hore uu fiicnaa. Waxaa laga rabaa bil kasta in ay foomam buuxiyaan si ay lacagta u helaan iyagoo ay masuul ka yihiin shirkado madax banaan. Dowlada ayaa ku doodeysa in nidaamka cusub uu siinayo soo galootiga fursado shaqo oo ka fiican kuwii hore.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here