Mudaharaad ka dhacay Göteborg [Video]

12

Mudaharaad ay soo abaabuleen qeybta Dhalinyada ee xisbiga cunsuriga ah Sverige Demokraterna (SD) ayaa ka dhacay magaalada Göteborg. Mudaharaadkaan oo mowduuciisa lagu sheegay in ay kaga soo horjeedaan waxa ay ugu yeereen Neceyb dhan ah Dadka Swedishka ah. Mudaharaadayaasha SD ayaa waxaa wajahay dibad baxayaal kale kuwaasoo ku qeylinayay cunsuriyiin uma ogolin wadooyinkeena.

Tirada cunsuriyiinta SD ayaa laba jibaar waxaa ka badnaa kuwa ka soo horjeeda iyadoo boolisku si wanaagsan u kala xakameeyeen in aysan isku dhicin labada dhinac. Dibad baxayaasha ka soo horjeeda SD ayaa ukun ku tuuray kuwa kale.

Booliska ayaa sheegay in dibad baxayaasha ka soo horjeeda kuwa SD aysan haysan ogolaansho mudaharaad balse sida sharciga dhigayo ay xaq u leeyihiin in ay mudaharaad jawaab ah qabtaan haddii mid kale lagaga soo horjeeda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here