Kulan dhexmaray Shabakada u dooda xuquuqda Soomaalida iyo Xubnaha baarlamaanka

33

Maalintii shalay ayaa waxaa kulan yeeshay xubno ka socda shabakada lagu magacaabo (Nätverket för rätten till familjeåterförening) oo ay ku mideysan yihiin ururo badan oo Soomaaliyeed iyo kuwo Swedish ah iyo xubno ka socda baarlamaanka Sweden (Riksdagen). Xubnaha shabakada ayaa kulanka dood dheer kula yeeshay xubnaha baarlamaanka oo ay ku jireen xubno ka socda xulufada talada dalka haysa iyo kuwo ka socda mucaaradka.

Xubnaha shabakada ayaa su’aalo adag hordhigay mudanayaasha iyagoo dalbaday in la mideeyo caruurta iyo waalidiinta Soomaaliyeed ee kala maqan. Waxay dalbadeen in dadka isdalbanaya loola dhaqmo sida dadka iska dhiiba Sweden ama kuwa laga soo qaado xeryaha oo aan lagu xirin in ay aqoosnigooda cadeeyaan. Xubnaha shabakada ayaa siyaasiyiinta u bandhigay warbixino ay ka soo ururiyeen ilo kala duwan.

Xubnaha siyaasiyiinta baarlamaanka ayaa isku raacay in guud ahaan ay xooga saarayaan sidii loo mideynta lahaa waalidiinta iyo caruurta. Xubnaha shabakada ayaa wax ka weydiiyay siyaasiyiinta mira dhalka heshiiskii dowlada iyo xisbiga Miljöpartiet. Maria Ferm oo ka socota MP ayaa sheegtay in heshiiskaas uu ahaa mid guud oo ilaa hada wadal ka socda arimaha qaaska ah. Xubnaha Shabakada ayaa ku dooday in xal deg deg ah loo baahanyahay oo waalidiinta iyo caruurta Soomaaliyeed ay hada sugayaan.

Siyaasiyiinta ka tirsan xulufada Dowlada  ayaa ku dooday in arimaha sharciga sida caadada ah ay waqti qaataan, xakameynta qulqulka qaxootiga ayay sheegeen in loo baahanyahay in uu mid saxan yahay. Emma Henriksson oo ka tirsan xisbiga Kristdemokraterna ayaa sheegtay in caruurta aan waalidkii dhalay la socon sida kuwa la soo korsaday ay xaalada adkeynayaan. Xubnaha Shabakada ayaa ku dooday in caruurta badankooda ay wataan waalidiintoodii iyo in kuwa la soo korsatay xitaa ay xaq u leeyihiin waalidkooda. Emma ayaa ku dooday in ay ka walaacsantahay in laga yaabo in caruurta laga ganacsato iyadoo arintaas ay Xubnaha shabakada u sheegeen in aysan jirin oo xiriir uusan ka dhexeyn ilmo laga ganacsado iyo xaqa caruurtu ay u leeyihiin waalidiintooda.

Xubnaha shabada ayaa ku dooday in aysan fahmin sababta Sweden ay baasaboorka Soomaaliga ah u diido iyadoo aqoonsan dowlada Soomaaliya. Xubnaha ayaa sheegay in Sweden ay tahay wadanka keliya ee caqabaan wada, oo wadamada kale aysan hordhigin shuruudaan Soomaalida. Waxay intaas ku dareen in shuruudaan ay meesha ka saareyso faaidada ay leedahay magangalyada ay Sweden siiso Soomaalida.

Ugu dambeyntii ayaa laysla gartay in arintaan ay u baahantahay xal degdeg ah iyadoo xubnaha siyaasiyiinta qaarkood ay soo bandhigeen in la sameyn karo xal deg deh ah oo ku meel gaara. Xubnaha baarlamaanka ayaa codsaday in loo soo bandhigo sida ay shuruuda Sweden u saameysay reeraha Soomaalida si ay ugu daraan doodooda baarlamaanka ee dhaceysa 4 May.

Shabakada Nätverket för rätten till familjeåterförening oo ay ku mideysan yihiin ururo badan sida Somaliska Riksförbund, FARR, Somaliska Förening i Falköping, Somaliska.com, Somaliska Kvinnoföreningen Gävle iyo Sinaannätverket Göteborg ayaa qorsheynaya in la abaabulo mudaharaad lagu qabto Stockholm, 4 May iyadoo Somaliska Riksförbund ay codsadeen ogolaanshihii dibad baxa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here