Dhibaatada Muslimiinta ka haysata dabaasha

7

Muslimiin fara badan oo  ku nool Sweden ayaa ka fogaada goobalaha lagu dabaasho iyadoo taas sabab looga dhigayo isku dhex jirta raga iyo dumarka. Swedishka taga goobaha lagu dabaasho ayaa ka cabanaya in dadka soo galootiga ah ee yimaada goobaha dabaashada aysan xushmeyn sharciga goobta oo ay iyagoo dharkooda wata la galaan dabaasha ama qolka qubeyska halka Swedishku ay isla  qubeystaan iyaga oo qaawan.

Warqad ay u direen  wargeyska Södra Sida qaar ka mid ah kuwa dadka dabaasha xarunta dabaasha ee xaafada Skärholmen ayay kaga dacwoodeen dadka soo galootiga ah ee aan dharka iska dhigin marka ay ku jiraan qolka qubeyska. Dadkaan dacwoonaya ayaa ku doodaya in haddii aysan rabin in cowradooda la arko ay shukumaan isticmaali karaan.

Balse dacwada dadkaas ay soo gudbiyeen ayaa waxaa qilaafay maamulaha xarunta dabaasha ee Skärholmen Thomas Lindell Taylor isagoo sheegay in aan soo galootiga oo keliya farta lagu fiiqi karin.

Qaasatan Dumarka Muslimiinta ah ayaa ka mid ah kuwa ka dheeraada goobaha lagu dabaasho marka laga reebo goobo qaas ah oo ku yaal magaalooyinka waaweyn oo waqti siiya dumarka oo keliya. Waxaa muuqata in isku dhac xaga dhaqanka ah uu ka taaganyahay goobaha lagu dabaasho.

Sidoo kale dhibaatada waxay dabaasha ka haysataa gabdhaha Muslimiinta ah ee dhigta iskuulada oo laga doonayo in ay xaadiraan dabaasha.

Sanadkii 2008 ayaa magaalada Göteborg lagu ganaaxay in ay lacag siiyaan labo dumar Muslimiin ah ka dib markii laga saaray goob lagu dabaasho dharkooda darteed. Sanadkii 2009 ayaa sharci cusub oo soo baxay waxa uu mamnuucay in dumarku aysan naasahooda oo qaawan gali karin dabaasha.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here