Dad aan DNA laga qaadin oo sharciga loo ogolaaday

59

Sidii aan soo qornay isbuucaan waxaa soo baxaya warbixino muujinaya in maxkamada socdaalka ay bilowday bixinta sharciga degenaanshaha ee kharabaada isdalbanaya. Warbixinadii ugu dambeeyay ee aan soo ururinay ayaa muujinaya in arintaas ay si habsami leh ku socoto.

Dadka sharciga la siiyay ee noo xaqiijiyay ayaa waxaa ka mid ah gabar da’yar oo waalidkeed iyo walaalaheed loo ogolaaday iyadoon wax dheecaanka DNA laga qaadin. Gabadhaan oo lagu magacaabo Fatxi oo ku nool Uppsala ayaa noo xaqiijisay in waalidkeed iyo walaalaheed ay waqti dhow Addis Ababa ka xareysan doonaan baasaboorka Främlingspass ee ay ku soo bixi lahaayeen.

Sidoo kale waxaa i soo gaaray warar kale oo sheegaya in dadka kale oo aan waxba isku dhalin la siiyay sharciga. 1 gabar ayaa la ii xaqiijiyay oo seygeeda uu leeyahay baasaboorka Ethiopia oo sharciga loo ogolaaday.

Hadaba tani macnaheeda ma ahan in Sweden ay shuruudii ka qaaday guud ahaan Soomaalida. Sidoo kale isla isbuucaan waxaan la kulmay dhowr gabdhood oo diidmo la siiyay.

Ma cada qodobada ay tiigsanayaan maxkamada Socdaalka ee ay dadka qaar diidmo ku siinayaan qaarna ku aqbalayaan. Laanta Socdaalku way ka gaabsadeen in ay noo xaqiijiyaan in shuruuda baasaboorka iyo aqoonsiga laga qaaday Soomaalida iyo in kale.

Wixii ku soo kordha arimahaan si hufan ayaan idinla soo socodsiin doonaa. haddii alle idmo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here