Caqabad cusub oo ka timid maxkamada Socdaalka

29

Bishii la soo dhaafay ayaa maxkamada Socdaalka waxay go’aan diidmo ah siisay caruur Soomaaliyeed oo waalidkood Sweden ku nool yahay. Go’aanka maxkamada ayaa lagu sheegay in caruurta 18-ka sano ka yar aysan xareysan karin codsiga degenaanshaha iyadoo loo baahanyahay qof Masuul ah.

Maxkamada ayaa diiday masuuliyada aabaha oo ku nool Sweden isagoo xitaa soo bandhigay warqad guur iyo in uu diyaar u yahay in laga qaado dhiiga DNA. Go’aanka maxkamada ayaa ahaa warbixin gooban oo ku saabsan kiiskaan balse nuxurkiisa ayaan u fahmay in uu yahay in caruurta 18ka sano ka yar aysan xareysankarin sharciga, maadaama Soomaaliya aysan dowlad lahayn sidaa darteedna aysan macquul ahayn in loo sameeyo qof Masuul ah.

Waxaa ka sii darin haddii caruurta midka mid ah waalidkood uu dhintay waayo si lagu cadeyn karo taas ma jirto, maxkamada ma aqbalayso in hal waalid uu sheegto ilmaha taasoo iyaduna dhibaato cusub ah.

Sweden ma aqoonsana baasaboorka iyo warqadaha Soomaaliya balse waxaa la yaab ah sababta ay maxkamadu uga diiday aabaha in laga qaado DNA iyadoo xitaa loo soo qoray aabahaas in uusan racfaan ka qaadan karin xukunka.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ay soo qoreen ayaa ahayd mid aad u kooban sidaa darteed 100% ma dhihi karo waan fahmay sababta iyo warbixinta dhabta ah ee ka dambeysa kiiskaan sidaa darteed kama jawaabi karo wixii suaalo ah ee la xiriira xukunkaan. Waxaan faahfaahin ka codsaday Migrationsverket, haddii aan jawaab ka helo halkaan ayaan ku soo qori doonaa.

Halkaan ka aqriso go’aanka: http://www.migrationsverket.se/lifos/dok.do?mode=index&dokn=24986

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here