Heshiiskii dowlada iyo xisbiga miljöpartiet muxuu u taray Soomaalida?

23

Anders Lindström oo ka tirsan urur u istaagay u doodida xuquuqda waalidiinta iyo caruurta Soomaaliyeed ee kala maqan ayaa mowduuc uu ku qoray bogga newsmill.se waxa uu kaga hadlay arimo badan oo ay ku jiraan qiimaha heshiiskii dowlada iyo xisbiga deegaanka ay wada galeen iyo waxyaabaha uu faaido u leeyahay Soomaalida.

Anders ayaa ku doodaya in heshiiskaas uusan waxba u qaban waalidiinta Soomaaliyeed ee kala maqan isagoo intaas ku daray heshiiskii iyo dooda baarlamaanka ee la filayo bisha soo socota laga yaabo in ay abuureen rajo aan jirin. Sida warar laga helay qareemo u dhow Laanta Socdaalka ay sheegayaan ayaa laga yaabaa in waalidiinta iyo caruurta soomaaliyeed ay kala maqnaadaan ilaa sanadka 2013, taasoo Anders Lindström ku tilmaamay mid aan suuro gal ahayn oo aan la aqbali karin.

Anders ayaa aaminsan in caqabada haysata waalidiinta Soomaaliyeed ee caruurtooda ka maqan yihiin in ay dhibaato ku noqoneyso in ay si hufan u dhexgalaan bulshada Sweden oo ay xooga saaraan waxbarashada iyo shaqada maadaama caruurtooda ay maqantahay.

“Waalid Swedish ama Somali ahow haddii aad mustaqbal dhiseyso oo aysan mustaqbalkaas caruurtaaga ku jirin muxu qiimo leeyahay. Haddii aad tahay qof caruur leh waad dareemi kartaa” ayuu hadalkiisa ku daray Anders Lindstrom.

Waxaa markasta laga doodaa fashilka isdhexgalka bulshada iyagoo qiimo la siiyo in heer laga gaaro waxbarashada iyo in dadka shaqada bixiya ay taxar sameeyaan balse marna ma lays waydiiyaa halka ay dhibaatadu ka jirto. Anders ayaa aaminsan in waalidiinta Soomaalidu aysan xooga saari karin isdhexgalka iyo waxbarashada maadaama ay caruurtooda ka maqantahay.

Markii qof uu Sweden yimaado oo degenaansho la siiyo farxadaas waxaa xiga niyad xumo, iyadoo waalidiinta ay u taalo in ay kala doortaan magangalyada laga siiyay Sweden oo caruurtooda aysan ku jirin ama in ay ku laabtaan dhibaatadii ay ka soo carareen oo ay caruurtooda la joogaan.

Anders ayaa aaminsan in kala hadal ay tahay in Soomaalida laga soo qaado xeryaha iyo kuwa iska dhiiba Sweden aan lagu xirin shuruuda cadeynta aqoonsiga iyadoo waalidiinta caruurtooda dalbanaya lagu xiro shuruudo adag. dheecaanka DNA ayaa la sheegay in uu xal yahay balse wasiirka Socdaalka ayaa sheegay in aysan taas cadeyneyn aqoonsiga dhabta ah ee caruurta sida waqtiga ay dhasheen isagoo sheegay in ay ka hortagayaan ka ganacsiga bani’aadamka balse markii la waydiiyay sida ilmo lagu cadeeyay DNA in ay waalidkood la socdaan lagu beecgeyn karo ayuusan wasiirku suaashaas ka jawaabin.

Anders Lindström iyo ururkiisa lagu magacaabo (Nätverket för rätten till familjeåterförening) ayaa kulan la yeelanaya xildhibaano ka socda xisbiyada kala duwan ee ku jira baarlamaanka 27 bishaan April. Ururka iyo ururo kale oo Soomaaliyeed oo uu ku jiro bogeena Somaliska.com ayaa qorsheynaya in la qaban qaabiyo mudaharaad weyn oo ka dhaca irida baarlamaanka Sweden 4-ta Bisha May ee soo socota.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here