Maxaa kala haysta Somalida Gnosjö iyo SD [Video]

10

Soomaalida ku nool magaalada Gnosjö ee ku dhow Jönköping ayaa ku eedeeyay xisbiga cunsuriga ah ee Sverige Demokraterna in ay been ka faafiyeen Soomaalida. Xisbiga SD ayaa horey u sheegay in Soomaalida ku nool magaaladaas ay fasax ka qaataan waqtiyada iskuulka si ay salaada jimcaha u aadaan iyagoo intaas ku daray in Soomaalidu ay yihiin dad xanaaqsan oo dagaal ka soo horeeyo.

SD ayaa dacwad ka dhan ah Soomaalida ku sheegtay in ay yihiin Muslimiin dagaal ka soo horeeyo oo markasta qilaaf uu ka taaganyahay SFIga iyo waqtiyada salaadaha iyagoo intaas ku daray in amaanka ay qatar ku yihiin.

Balse hadalka SD ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay Soomaalida halkaas ku nool iyo maamulka iskuulka. “Ma nihin dad dagaal ka soo horeeyo, si wanaagsan ayaan u shaqeynaa dabeecadeena waa wanaagsantahay” ayuu Abdi Karim Mohamed oo degan magaaladas u sheegay Svt.

Hadalka ardada ayaa waxaa taageeray macalimiinta iyo maamulka iskuulka. “Ma ogi meesha SD ay warbixintaas ka keeneen. Wax dacwadaas ku saabsan ma maqal, haddii ay jirto waan maqli lahaa “ ayuu yiri maamulaha iskuulka Klas Boberg.

SD ayaa caadeystay been abuurka ka dhan ah Muslimiinta qaasatan Soomaalida, iyagoo meelkasta oo ay Sweden ka joogaan shaqo ka dhigta sidii ay daba gal ugu sameyn lahaayeen dabeecada iyo hawlaha Muslimiinta.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here