Soomaali dhibaato ka haysato lacagta TVga

21

Soomaali ku nool magaalada Borlänge ayaa ka cabanaya in si qaldan loogu soo diray in ay bixiyaan lacagta Telefishinka ee loo yaqaan (licensavgifter). Soomaalidaan oo gaaraya ilaa 20 qof ayaa cabasho u gudbiyay xafiiska ABF ee magaaladaas iyagoo ku doodaya in aysan wax telefishin ah ugu jirin sida uu soo qorey wargeyska Dalarnas Tidningar.

Mursal Ismail oo ka tirsan ABF ayaa u sheegay wargeyska in dadkaan aan la dhihi karin way soo been abuureen arinta maadaama waqti aad u yar ay dad fara badan soo gudbiyeen dacwada ka dhan ka ah cida qaabilsan ururinta lacagta TVga ee Radiotjänst.

Mursal ayaa u sheegay wargeyska in aysan arintaan ku cusbeyn oo uu horey dad ugu caawiyay in ay ka dacwoodaan arintaan.

Labo gabdhood oo ka mid ah dadka sida qaldan loogu soo tuuray bixinta lacagta telefishinka ayaa ku dooday in ay ku marti qaadayaan baarayaasha Radiotjänst guryahooda si ay u arkaan in aysan wax telefishin ah u oolin.

Mursal Ismail ayaa la yaaban sida ay u shaqeeyaan Radiotjänst isagoo aaminsan in ama si qalad ah ay dadka warqadaha ugu diraan ama ay arintu ogaaltahay. Waxaaba macquul ah in lacag lagu siiyo qofkasta oo ay diiwaan galiyaan oo ay isleeyihiin cidna soo dacwoon meyso.

Dalarnas Tidningar.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here