Xalinta qilaafaadka lacagta iyo qoyska Soomaaliyeed

9

Qoysas badan oo Soomaaliyeed oo qurbaha ku nool ayaa waxaa ka taagan qilaafaad dhaqaale oo sababa naceyb dhex maraya lamaanayaasha ama kala tag. Qilaafaadka dhaqaaluhu waxa uu ka mid yahay kuwa ugu xanuunka badan qilaafaadyada. Waxa uuna sababaa kala tag deg deg ah. Hadaba sidee lagu xalin karaa arintaan?

Isfahanka Qoyska

Qodobka kowaad ee aan isleeyahay waa kan ugu muhiimsan xalinta qilaafaadka qoyska waxa uu yahay in lamaanayaashu ay isfahmaan.  Haddii aan isfahan jirin dhinac kasta, waxaa soo kala dhexgalaya labada qof shaki kasoo wadada u furaya dhibaatooyin badan. Isfahanka waxaa ka mid ah in lamaanuhu ay fahmaan xaaladooda dhaqaale, haddii xaasku ay isleedahay ninkaaga lacag ayuu meesha lafadhiyaa adiguna aadan waxba meesha ku hayn isfahan daro ayaa jirta.

Sida aad la socotid dalka Sweden wixii dhaqaale ku soo gala waa in aad la socodsiisaa Skatteverket. Hadaba maxaadan ula socodsiineyn xaaskaaga ama seygaaga? Hadaba lamaanuhu waa in ay ka wada hadlaan xaaladooda dhaqaale oo ay xisaabtamaan ayagoon u xisaabtameyn sidii dad ganacsato ah balse waa in ay u xisaabtamaan sidii dad asxaab ah. Haddii xaasku ay ogtahay xaalada dhaqaale ee ninkeeda way yaraaneysaa culeyska ay saareyso.

Isku samirka

Markii la isfahmo, oo labada lamaane ay isku fahansanyihiin xaaladooda dhaqaale waxaa meesha imaanaya isku samir. Haddii dhaqaalaha qoyska uu yahay mid iska liita oo aan labada qof shaqeyn ama haddii ay shaqeeyaan aysan dabooli karin baahida guriga iyo mida dibada sida qaraabada, waxaa muhiim ah in labada qof ay isku sabraan oo aan la isi saarin culeys uusan midkiin ka bixi karin. Dumar badan oo Soomaaliyeed ayaa lagu sheegaa in ragooda cadaadis dhaqaale ay saaran kaasoo uusan ninku ka bixi karin. Waxaa muhiim ah dumarku in haddii aad fahansantahay xaalada dhaqaale ee seygaaga aadan saarin culeys uusan xamili karin. Ogoow qaraabadaada waa dul saar ee si sharaf leh oo xushamadi ku jirto u weydii ninkaaga markaad qof kale wax u rabto.

Raga waxaa laga doonayaa in ay dumarkooda u sabraan markii ay wax waydiistaan. Xasuuso markaad xaaskaaga guursatay waxaad la xididay reerdhan, dadkaas oo dhan wax ayay kaa filayaan ama xaaskaaga ayay kuu soo marayaan. Marka haddii ay fahansantahay xaaladaada dhaqaale bixi wixii awoodaada ah, wixii kalena u sheeg xaalada.

Kharaabada reer dumiska ah

Dhibaatada ugu weyn ee dhaqaalaha reerka Somaaliyeed ee qurbaha ku nool waxay ka dhalataa telefoonka ka soo dhacaya Soomaaliya. Waa xaqiiq in wadanka ay masiibo ka jirto oo aan isha laga daboolan karin baahida dadkeena balse intii aad isku dayaysid xalinta dhibaatada qof kale ayay dhacdaa in aad gurigaaga dumiso. Qaraabada ka soo wactameysa Soomaaliya waa in ay ka fikiraan in aysan dumin guryaha.

Hadaba sidee loo xakameyn karaa arintaan? Runtii jawaabteeda waa adagtahay, waayo aabahaa ama hooyadaa, walaalkaa ama walaashaa oo ku soo wacay way adagtahay in aad dhahdo waxba ma haayo, seedigii oo telefoon kuu soo diray kaba sii daran. Haddii xaaska laguu soo maro meesha musiibo ayaa ka soo socota ee ka digtoonoow. Ninka raga ah marka halkaas laga soo maro waxa keliya ee u furan waa in uu sabro oo bixiyo wixi awoodiisa aha. Balse arintaas xalinteeda ama xakameynteedu waxay ku xirantahay isfahanka kaala dhexeeya xaaskaaga.

Ragu masuuliyadooda ha qaateen

Raga Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ha xasuustaan in xitaa haddii xaaskaga aay shaqeyso, xitaa haddii aad adigu shaqo la’aantahay masuuliyada dhaqaale ee reerkaaga adiga ayay ku saarantahay. Xaaskaaga xaq uguma lihid in ay kula wadaagto lacagteeda balse haddii aad saaxiib ka dhigatid ayada ayaa kuu gacan furmeyso. Marka haddii aadan masuuliyadaada ka soo bixin, ha u maleynin in aad xaaskaaga xaq ku leedahay balse wixii ay kuu garato ayaad leedahay.

Haddii ilaahey kuu nimceeyay ee aad shaqeysato waa kheyr, reerkaaga oo ay ku jirto xaaskaaga masuuliyada dhaqaale adiga ayay ku saarantahay. Haddii reerko ilo dhaqaale sida ceyrta ilmaha ay soo gasho waxaa talo ah in aadan kula xisaabtamin xaaskaaga balse aad xasuusiyo in ay dabarto culeyska ka imaan kara xaga reerkeeda.

Nolol dhex dhexaad ah

Horta haddaan Soomaali nahay waa in aan xasuusanaa nooma furna wado aan ku baashaali karno, oo aan lacag ku gubi karno, oo aan iska tuman karo waayo malaayiin qof ayaa wadankeena gaajo ugu la’aneysa. Xitaa haddii aad reerkaaga dhan Yurub soo galisay oo aan cidi kaa maqney, kuuma furno iska damaashaad waayo Muslim ayaa ilaahey kaa dhigay oo aduunkaan waa lagula xisaabtamayaa.

Marka reerka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool, waxaa waajib ku ah in ay ku noolaadaan nolol dhex dhexaad ah oo aan lagu talaxtagin. Dhexdhexaadku waxa weeye in xaasku aysan kaar inta iska qaadato aysan dukaamada soo dhameyn, ninkuna uusan baabuur qaali ah iska soo iibsan. Nolol dhexdhexaad ah ku noolaada.

Mustaqbalka ka fikira

Aduunyadu Sweden kuma eka, isbedel ayaa imaan kara. Wadankaan Ceyrtu ka jirto bari ayaa laga yaabaa in lagu dhaho iska laabo. Marka waxaa muhiim ah in aad ka fikirtaan Mustaqbalka fog oo aad meel wax dhigataan. Reerku si wadajir ah waa in ay u qorsheeyaan mustaqbalka fog oo qarash meel loo dhigtaa.

Wixii talo iyo tusaale iyo qodobo kale ee muhiim ah fadlan ku darsada fikradiina.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here