Sweden oo Soomaali ka soo qaadaysa Libya

7

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa gudi xaqiiqo raadin ah u direysa Galbeedka Afrika ayagoo ku tala jirta in ay Libya ka soo qaadaan 200 qof oo ka mid ah dadka soo galootiga ah ee halkaas ku go’doonsan ka dib wadatashi ay la sameeyaan hay’ada UNHCR. Dadkaan la filayo in la soo qaado ayaa waxaa ku jira Soomaali iyo Ereteriyan.

“Hada Libya waxaa ku sugan dad fara badan oo aan Libyan ahayn, kuwaas oo halkaas ku go’doonsan. Muhiimadu waxay tahay in aan isku dayno in aan caawino qaar ka mid ah dadkaas” ayuu yiri agaasimaha Laanta Socdaalka Dan Eliasson.

Waxaa la aaminsanyahay in ku dhawaad 10,000 qaxooti aan Libya u dhalan in ay ku go’doonsanyihiin wadankaas oo khaar badan ay ka soo carareen Soomaaliya iyo Eritrea.

Dhowr qof oo Soomaali ah ayaa lagu dilay dagaalada ka socda Libya ayadoo wadamada dowladaha leh ay dadkooda kala bexeen Libya balse Soomaalida aan cidna u maqnayn ceelna u qodneyn.

Migrationsverket.se

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here