Soomaalida Sweden waxay higsanayaan UK

18

In kabadan 2000 oo soomaali ah ayaa u guurtay wadanka Ingiriiska sanadadii ugu

Axmed Maxamud iyo reerkiisa oo 10 sano ka hor ka guuray Sweden

dambeeyey, Ingiriiskuna wuxuu sii noqonayaa meel Soomaalidu aad u jeceshahay sida uu ku soo bandhay shalay wargeyska Dagens Nyheter war bixin dheer oo uu daabacay. Soomaalida Sweden ka guurtay ayaa badankoodu doorteen in ay dagaan magaalooyinka Birmingham iyo Leicester oo ah magaalooyin soomaalidu aad ugu sii badanayso.

Wargayska ayaa sheegay in Soomaali badani ka daaleen shaqo la’aanta ba’an ee Sweden ka taagan, taas oo soomaalida ku dhalisa in ay qorsheeyaan sidii ay mar’un UK ugu guri lahaayeen iyo waliba in ay ku fakaan in ay samaystaan ganacsi u gaar ah.

Wargayska oo Soomaali Sweden ka guurtay ku booqday magaalda Leicester ayaa la kulmay Mona Maxamed oo hada ku nool magaaladaas, laakiin 14 sano ku noolayd Sweden. Mona waxay sheegtay in hooyadeed ay shaqo la’aan ahaan jirtay markii ay Sweden ku noolaayeen, laakiin hada ay leedahay dukaan u gaar ah oo la yiraah Safari Shop.

Mona oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in ay hada barato culuumta caafimaadka ayna mar dhow noqon doonto kalkaaliye caafimaad, taas oo u muuqata in ay ku gaartay guusha dhanka moralka ah oo ay gaartay.

Soomaalida u hayaantay Leicester ma wada guulaysan oo wali shaqo la’aanta dhalinyarada Soomaalida haystaa aad bay u saraysaa waana si ku dhaw sida ay Sweden ku yihiin sida war bixinta lagu cadeeyey.

Ma ahan Ingiriiska oo kali ah meelaha Soomaalidu doorbiday in ay u guuraan ee qaarkood waxay u guuraan meelo Yurub ka baxsan, sida USA iyo Kanada.

Saciid Cabdi Cusmaan
Uppsala

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here