Mudaharaad ka dhacay Sigtuna ka dib caruur waalidkood laga qaatay

18

Soomaali gaareysa 200-250 qof ayaa khamiistii mudaharaad ka dhigay Kamuunka Sigtuna xaafada Märsta ayagoo ka soo horjeeday labo caruur ah oo ay qaateen Adeega Bulshada (Socialtjänsten) ayagoo lagu wareejiyay dad aan la aqoon inta uu socdo baaritaanka.

Mudaharaadka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Jaaliyada Gabdhaha Soomaaliyeed ee Sweden ayagoo ku qaylinayay “Waxaan dooneynaa caruurteena”. Ayaan Ali oo xog haye ka ah ururka gabdhaha ayaa saxaafada kala hadashay cabashadooda.

Soomaalida ayaa ka cabanaya in kamuunka ay caruurta ku wareejiyeen dad aan la aqoon ayadoo ay joogaan dad qaraabo la ah waalidiinta caruurta.

“Sweden waxaan u imaanay in carurteena ay nabadgalyo dareemaan” ayay saxaafada u sheegtay Ayaan.

Waalidkaan ayaa 4 caruur ah lahaa ayagoo laba caruur ah hore looga qaatay ayagoo labadii u harsaneydna laga qaatay, ayagoo 15bishaan Maarso xabsiga loo taxaabay waalidiinta.

Waalidka ayaa la sheegay in lagu haysta ka dib markii wiil 7 sano jir ah oo ay dhaleen uu macalimiinta u sheegay in ay waalidkiis dilaan.

War Cusub: Hooyada iyo aabaha xabsiga waa laga soo daayay balse wali caruurtana way haystaan.

Wareysi laga qaaday waalidka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here