Nin 3 sano meyd ahaa oo hada la ogaaday

4

Xaafada Tumba ee magaalada Stockholm ayaa laga helay oday waayeel ah oo gurigiisa mayd ku ahaa mudo 3 sano ah. Ninkaan meydkiisa ayaa la ogaaday ka dib markii rag internet xirayay ay arkeen albaabka gurigiisa oo furan. Booliska ayaa guriga ka helay warqado 3 sano ka hor la soo diray oo aan wali la furin iyo xitaa cuntada faranjiyeerkisa ku jirta ayaa waxaa ku qoran 2008.

Ninkaan ayaa lacagtiisa benshanka waxay ku soo dhaceysay akoonkiisa mudadaas uu meydka ahaa asagoo sidoo kale lacagaha biilasha si otomatik ah bankigiisa uga dhiibayay.

Ninkaan ayaa waxa uu leeyahay qaraabo asagoo la sheegay in wiilkiisa uu nool yahay kaasoo hada booliska ay la xiriirayaan. Booliska ayaa sheegay in ninkaan iyo kharaabadiisa aysan wax xiriir ah ka dhaxayn.

Sida loola dhaqmo dadka waayeelka ah ayaa waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu fool xun ee ka dhaca wadankaan, marka ay waalidka duqoobaan ayaa ilmahooda iska fogeeyaan oo lagu tuuraa goobta lagu haayo dadka waaweyn halkaas oo niyad xumo iyo fikir ay ugu dhintaan. Ama waxaa ku dhacda sida ninkaan oo kale oo haddii ay kaligood noolaadaan aysan daryeelin caruurtooda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here