Maxkamada Socdaalka oo bilowday sharci bixinta

41

Maxkamada Socdaalka ayaa bilowday in ay bixiso sharciga deganaanshaha oo ay aqbasho codsiga mideynta familada iyadoo safaarada Sweden ay ku leedahay dalka Ethiopia ay sidoo kale bilowday akhbalaada codsiga baasaboorka Främlingspass.

Aabe lagu magacaabo Cabdulahi oo ku dhaqan magaalada Jönkoping ayaa noqonaya qofkii ugu horeeyay ee aan xaqiijino ee ogolaanshaha la siiyo isbuucaan, isagoo caruurtiisana ay xareysteen baasaboorkii ay ku soo bixi laahaayeen.

Aabahaan ayaa dalabkiisa xareeyey 2009 isagoo ay ku dhacday shuruudii baasaboorka oo hal mar diidmo la siiyay, waxaa laga qaaday dhiiga DNA. Ugu dambeyntii waxaa loo ogolaaday 3 caruur ah iyo xaaskiisa.

Arintaan ayaa loo turjuman karaa in ay tahay bilowga go,aankii maxkamada laga sugayay iyadoo sida caadada ah Laanta Socdaalka markii ay go’aan ka gaareyso kiisaska guud ay tusaale uga dhigato go’aanka ay maxkamadu ka gaartay dadka ay isku kiiska yihiin.

Waxaan xiriir la sameeyay Laanta Socdaalka in ay ii faahfaahiyaan haddii ay maxkamada socdaalka ay gaartay go’aankii aan ka sugeynay balse waxay ii sheegeen in wali aysan maxkamada go’aan gaarin oo ay sugayaan.

Si kastaba ha ahaatee, rajada waalidiinta Soomaaliyeed ee caruurtooda ay waqtiga dheer kala maqnaayeen ayaa soo hagaageysa. Ma ahan markii ugu horeysay ee maxkamada ay ogolaansho bixiso balse dhibaatada ayaa ka taagneyd xaga baasaboorka. Sidoo kale waxaa jira fursado dhinacyo badan ka furmaya oo la filayo. Baarlamaanka Sweden ayaa la filayaa 4 bisha May in uu dhaqan galiyo sharci faraya in waalidiinta aan aqoonsigooda cadeyn karin lagu cadeeyo dhiiga DNA oo caruurtooda lala mideeyo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here