Masjidka Malmö waxaa dhisay Qadafi

5

Warbaahinta Sweden ayaa maanta qortay in Masjidka ugu weyn magaalada Malmö ay dhistay hay’ad uu leeyahay Mucamar Al-Qadafi madaxweynaha Libya ee lagu kacay. Hadaba su’aasha taagan ayaa ah maadaama hata Qaramada midoobey ay ku soo rogtay Qadafi iyo cidii xiriir la leh cunaqabatayn taasi ma saameyneysaa Masaajidka?

Agaasimaha Masaajidka Bejzat Becirov ayaa sheegay in aysan saameyn ku yeelanahayn cunaqabateynta asagoo intaas ku daray in ay ka madax banaan yihiin Qadafi iyo Hay’adiisa.

Bejzat Becirov ayaa sheegay in Hay’ada Qadafi ay iibsatay Masjidka ka dib markii sanadkii 2008 ay lacag la,aan ku dhacday oo bankiyadu ay xaraashi lahaayeen dhulka balse hay’adaas ay u soo gurmaday waxaa ku baxay qarash gaaraya 33.3 Milyan oo karoon.

Qadafi ayaa sameeyay hayadiisa lagu magacaabo World Islamic Call Society si uu u kasbado jaceylka shacabka Muslimiinta caalamka.

Isbuucaan ayaa Qaramada Midoobey ay cunaqabateyn ku soo rogtay Qadafi iyo dhamaan shaqsiyaadka xiriirka la leh ka dib markii lagu eedeeyay in ay gaboodfal ka geysanayaan dalka Libya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here