Masjidka cusub ee Skärholmen

4

Xaafada Skärholmen ayaa laga dhisi doonaa Masjid cusub oo aad casri u ah. Masjidkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee 2 minaaradood leh oo Sweden laga dhiso. Masjidka ayaa la filayaa in lagu dhameeyo mudo 2 ilaa 3 sano ah kaasoo qaadi doona dadka gaaraya 1700 qof.

“Waxa uu soo jiidan doonaa dad badan oo ku nool Iskandanefiya, ma jiro masjid kale oo labo minaaradood leh. waxa uu ilqabad u noqon donaa xarunta Skärholmen” ayuu yiri Syed Mansur oo ka tirsan Skärholmens islamiska kulturförening.

Kala bar Masjidka ayaa lagu tukan doonaa halka inta kale loo isticmaali doono maqaaxiyo, jiim iyo goobo lagu kulmo.

“Waa mashruuc is dhexgal, waa dhisme adeeg siin doona guud ahaan bulshada. Dhamaan muwaadiniinta waa u furanyahay, dhalinyarada iyo waayeelka” ayuu yiri Fikret Tümtürk oo ah agaasimaha Islamiska kulturföreningen.

Masjidka ayaa laga dhisi doonaa irada hore ee goobta basaska laga raaco. Dhismaha ayaa sidoo kale yeelan doona dukaamo.

Waxaa la filayaa in ay ku kacdo lacag gaareysa 50-100 milyan oo karoon, taasoo ay sheegeen maamulka in ay ka aruurin doonaan Muslimiinta Sweden iyo Yurub.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here