Dowlada iyo Xisbiga Miljöpartiet oo heshiis ka gaaray arimaha soo galootiga

95

Xisbiyada haya talada Sweden ee uu hogaamiyo raysal wasaare Fredrik Reinfeldt iyo xisbiga Miljöpartiet ayaa heshiis ka gaaray arimaha Siyaasada soo galootiga taasoo ay ku jirto arinta mideynta reeraha qaasatan Soomaalida.

Raysal wasaaraha ayaa ku tilmaamay heshiiska mid taariikhi ah asagoo yiri “Waxay gundhig u tahay xaquuqda aadanaha iyo siyaasad Soo Galooti oo haboon. Waxaan ku soconaa wado bani’aadanimo, heshiiskaan waxa uu irdaha ka soo xirayaa kuwa neceb ajaanibta”.

Xisyada ayaa ku heshiiyay in dhibaato ka taagantahay shuruuda ah in mideynta familada laga hormariyo cadeynta aqoonsigooda. Waxaa la habeyn doonaa cadeynta dhiiga DNA.

Waxaa kale oo lagu heshiiyay in la abuuro laan qaabilsan cilmi baarista Socdaalka.

Xulufada dowlada ayaa si gooni ah u gaaray heshiis la filayo in la dhamaystiro sanadka soo socda oo ah in xuquuq loo siiyo dadka sharci darada ah ee wadanka ku nool in ay helaan daryeel caafimaad oo dadka la mid ah, ilmahooda oo waxbarasho la siiyo iyo in ay fursad u helaan in ay ganacsi abuurtaan.

Heshiiskaan ayaa ah mid taariikhi u ah Soomaalida oo ay hada iska cadahay in loo ogolaan doono in ay keensadaan ilmahooda waloow aysan sidii hore durdur u ahaan doonin.

War cusub: Xisbiga bidixda ayaa dhaliilay heshiiska, asagoo gudoomiya xisbiga Ohly uu sheegay in xisbiga Cagaaran ay ka tageen arin muhiim ah kaasoo ahayd in dowlada ay joojiso ku celinta dadka sharciga loo diido goobaha dagaalka.

Dhinaca kale, xisbiga SD ee cunsuriga ah ayaa si weyn uga soo horjeestay heshiiska asagoo gudoomiyaha xisbigaas Jimmie Åkesson uu sheegay in uu dhibaato ku abuuri doono bulshada Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here