Baarlamaanka oo ka dooday siyaasada Socdaalka

21

Baarlamaanka Sweden ayaa maanta ka dooday Siyaasada Socdaalka ee Dalka iyo heshiiskii ay dhawaan gaareen dowlada iyo Xisbiga Miljöpartiet. Doodaan oo ay codsadeen xisbiga Sverige Demokraterna ayaa lagu badalay dood kale oo maanta qorshuhu ahaa in laga yeesho sharciyada Socdaalka oo la dhaqan galiyo, doodaas ayaa la qaban doonaa 4 May.

Dooda ayaa waxaa furay hogaamiyaha xisbiga cunsuriga SD Jimmie Åkesson asagoo sheegay in heshiiska ay gaareen dowlada iyo Miljöpartiet you yahay mid xagjir ah oo wadada u furaya in Sweden ay noqoto meel ay bartilmaameed ka dhigtaan magan galyo doonka.

Åkesson ayaa ku dooday in waxa loogu yeero papperslösa oo ah eray loo isticmaalo dadka aan wadanka sharciga ku lahayn ayuu sheegay in la joojiyo ereygaas oo la cadeeyo dadkaan in ay yihiin dad sharci daro ku jooga Sweden. Heshiiska ayaa dhigaya in dadka aan wali sharciga Sweden ku lahayn xaq loo siiyo caafimaad iyo waxbarasho.

Wasiirka Socdaalka Tobias Billström ayaa ka jawaabay cabashada Åkesson asagoo sheegay in heshiiska dowlada iyo xisbiga deegaanka uu yahay mid qeexaya siyaasada Socdaalka ee Sweden oo qoto dheer. Billström ayaa intaas ku daray in heshiiskaan uu waafaqsanyahay siyaasada Magangalyo doonka ee Midowga Yurub.

Dooda waxaa ka qeyb qaatay guud ahaan xisbiyada baarlamaanka iyadoo dadka halkaas ka hadlay ay ka mid ahay Emma Henriksson oo ka tirsan xisbiga KristDemokraterna iyadoo ku dooday in dadka aan sharciga lahayn aan loo arki karin dhamaantood in ay sharci daro wadanka ku joogaan maadaama qaarkood aysan wali sharci dalban, qaarna uu codsigooda xareysan yahay.

Heshiiska dowlada iyo Miljöpartiet ayaa waxaa ka soo horjeestay Xisbiga Sverige Demokraterna ee cunsuriga ah iyo Xisbiga VänsterPartiet ee bidixda iyagoo ku dooday in heshiiskaan uusan waxba u soo kordhineyn soo  galootiga oo uu kala dhimanyahay.

Maria Ferm oo ka tirsan xisbiga Miljöpartiet ayaa ku soo gabangabeysay in ay rajeynayso in heshiiska uu noqdo mid wadashaqeyn ah iyadoo sheegtay in Sweden ay tahay wadan qani ah oo aysan u baahneyn in la kala doorto mashaariicda gudaha iyo soo dhaweyn soo galootiga. iyadoo sheegtay labada in la awoodo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here