Qorshe soo galootiga 5 sano wadanka kaga maqnaan karaan

11

Sida uu maanta daabacay wargeyska Dagensnyheter waxaa 31 mars gudi baarlamaani ahi baarlamaanka soo hordhigi doonaa qorshe la doonayo in lagu sahlo dhaq-dhaqaaqa dadka ajaanibta ah oo daganaashiyaha ka haysta wadanka Sweden, laakin aan wali qaadan dhalashada Sweden.

Qorshahaan oo u jeedada uga weyni tahay in la balaariyo fursadaha dadka soogalootiga ah, dhanka shaqada iyo dhanka wax barashada ayaa hadii uu meel maro wuxuu fursad u siinayaa dadka daganaashiyaha Sweden haysta in ay 5 sano wadanka ka maqnaan karaan ayadoon wax is badal ah uusan ku dhacayn ama aysan waayidoonin daganaashayahoodii Sweden, halka taasi maanta ka tahay hal sano.

Wargeysku mar uu tilmaamayey sida arintaani wax tar u leedahay ayuu farta ku fiiqay dad Soomaali ah oo Sweden ka guuray, kadibna ganacsi aad u wanaagsan iyo fursado ka fiican kuwii ay Sweden ku haysteen ka helay wadamo ingriisku ka mid yahay.

Saciid Cabdi Cusmaan

Uppsala

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here