Wargeyska Falköping oo sharaxaya xaqiiqada soo galootiga

3

Wargeyska Falköpings Tidning ayaa bilaabay barnaamij taxane ah oo socon doona laba isbuuc kaasoo maalinkasta 1 bog oo buuxa wax looga qori doono xaqiiqada soo galootiga magaaladaas ku nool. Wargeyska ayaa arintaan bilaabay ka dib markii ay siyaaday nacaybka loo qabo soo galootiga iyo dooda ku saabsan arimahooda.

Tifaftirka wargeyska ayaa sheegay in 6 bilood ee la soo dhaafay ay soo gaareen waraaqo badan oo ka turjumaya naceybkaas ayagoo sheegay inta badan dadku waxa ay ka aaminsan yihiin soo galootiga ah tahay waxyaabo aan xaqiiqo ahayn.

“Maanta waxaan ka hadlaynaa xaqiiqooyin badan oo ku saabsan soo galootiga, nidaamka ay maraan marka ay Sweden soo galaan iyo lacagaha ay qaataan. Waxaan sidoo kale soo bandhigeynaa sheeko ku saabsan luuqada” ayuu yiri Leif Claesson oo ah tififtiraha wargeyska.

“Barito waxaan soo bandhigeynaa meelaha ay ka kala yimaadaan soo galootiga ku nool Falköping anagoo booqan doona Xanaano ay dhigtaan caruur ka timid 17 wadan oo kala duwan” ayuu hadalkiisa ku daray Leif Claesson.

Wargeyska ayaa barnaamijka uga dan leh in af ay ku hadlaan la siiyo soo galootiga magaalada ku nool iyo in la sharaxo waxyaabo badan oo been abuur ah oo laga aaminsanyahay.

Mashruucaan uu bilaabay wargeyska Falköping ayaa ah mid aad qiimo u leh oo ay fiicantahay in ay ku daydaan wargeysyada kale ee ka soo baxa dalka. Dhibaatada ugu weyn ee haysata soo galootiga ayaa ah in aanan lahayn af aan kula hadalno bulsha waynta Sweden ayadoo ay fududahay in nagala been abuurto oo beentaas lagu faafiyo bulsha weynta.

Magaalada Falköping ayaa waxaa ku nool Somali fara badan. Hada ka hor ayaa dhowr qof oo Soomaali ah oo halkaas ku nool waxaa loo diray fariimo naceyb ah oo oranaya ku laabta Afrika.

Waxaan ku  talinayaa in Soomaalida aqrisata mowduucaan ay ku dhiiri galiyaan wargeysyada ka soo baxa kamuunada aad ku nooshihiin in ay bilaabaan barnaamij la mid ah kan Falköpings Tidning.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here