Waa waqtiga shaqooyinka xagaaga

5

Waxaa la joogaa waqtigii ay shirkado badan ay qaadan lahaayeen shaqaalaha xagaaga ayadoo dhaqdhaaqa shaqooyinkaan laga dareemi karo bogga Laanta Shaqaaleynta (Arbetsförmedlingen). Boqolaal shaqo ayaa la soo galiyay oo ku kala fidsan guud ahaan Sweden.

Stockholm oo keliya ayaa waxaa ka badnaan in ka badan 250 shaqo oo waqtiga xagaaga ah. Shaqooyinka xagaaga ayaa ah kuwo aad kaga faaideysan karto in aad ka hesho waayo aragnimo shaqo iyo xoogaa jeebkaaga soo gala.

Shaqooyinka xagaaga ayaa kala duwan ayadoo shaqooyinka qaar ay u baahanyihiin aqoon iyo xirfad hore halka kuwo badana aysan u baahneyn wax aqoon hore ah. Waqtiga ugu dambeeya ee shaqooyinka xagaaga la dalban karo shirkaha intooda badan waa 15ka April.

Shaqooyin badan oo xagaaga ayaa ka banaan kamuunada kala duwan adigoo la xiriiri kara kamuunka aad ku nooshahay iyo gacanyarahaaga Arbetsförmedlingen si aad u dalbato shaqada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here