Barnaamijka Hello Somaliska – 11-03-2012

19

Caawa waa markale iyo barnaamijkeenii Hello Somaliska. Barnaamijka waxaan caawa ku lafa guri doonaa mowduucyadii ugu waaweynaa ee aan qornay isbuucaan.

1. Arimaha Socdaalka: Filimaan loogu tala galay dadka magangalyo doonka ah oo ay sameysay Laanta Socdaalka. Cunsuriyiinta oo doonaya in ay soo galootiga dalkoodii ku celiyaan iyo Dadka Caruurta ka maqanyihiin oo laga yaabo in fasax la siiyo.

2. Ganacsiga iyo shaqada: Soomaalida Norrköping iyo ganacsigooda. Ku darsada wixii fikrado iyo talo ah ee ku aadan sida Soomaalidu ay ganacsi uga furan karto Sweden?

3. Arimaha Bulshada: Raysal wasaasaraha iyo xaaskiisa oo kal tagay. Wixii fikrado ah ee ku aadan furiinka badan ee ka jira Sweden iyo dhibaatada ragga Soomaalidu ka sheegtaan dumarkooda? iyo maalinta 8-da Maarso, sidee u aragtaa?

Sidii caadada ahayd telefoonka barnaamijka aad uga qeyb qaadan kartaan waa 0722958251 (Comviq) Saacada waa kl. 18:00 (ama 6pm).

CILAD: Waxaan idinka raali galineynaa in cilad xaga telefoonka ah ay maanta nala soo daristay oo sidaa darteed uu barnaamijkii baaqday. Wixii fikrado iyo su’aalo ah halkaan ayaad ku darsan kartaan. 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here