Katrineholm: 300 oo caruur Soomaali ah ayaa imaan karta

20

Maamulka magaalada Katrineholm ayaa filaya in 270 ilaa 300 oo caruur Soomaaliyeed ay yimaadaan magaalada ka dib markii heshiis ay gaareen dowlada iyo Xisbiga Miljöpartiet in Soomaalida laga qaado shuruuda baasaboorka. Waloow aysan hubin waqtiga dhabta ah ee caruurtaan ay imaan imaanayaan Sweden ayay hadana filayaan in ay macquul tahay in ay yimaadaan xagaaga ka hor.

Maamulka ayaa waxay ka walwalsan yihiin sidii ay ugu heli lahaayeen iskuulo iyo xanaanooyin iyagoo codsaday in loo kordhiyo miisaaniyada si ay u shaqaaleysiin dad cusub oo daryeela waxbarashada caruurta imaaneysa.

Arintaan ay ka dhawaajiyeen maamulka Katrineholm ayaa muujineysa diyaar garowga loogu jiro caruurta iyo waalidiinta Soomaaaliyeed ee la filayo in laysku fasaxo waqtiga dhow ka dib markii Sweden ay xayirtay mideynta familada Soomaalida sanadkii la soo dhaafay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here