Soomaalida Sweden oo soo dhaweysay heshiishka Dowlada

21

Soomaalida Sweden ku dhaqan ayaa si diiran u soo dhaweysay heshiiska ay gaareen xulufada Dowlada Sweden iyo Xisbiga Miljöpartiet. Dadka aadka u soo dhaweeyay arintaas waxaa ka mid ah aqriyataasha Somaliska.com oo si weyn ugu hanqal taagayay in laga qaado shuruuda taasoo hada muuqata in ay guul ku dhowdahay.

Gobolka Södermland magaalada Katrineholm ayaa laga dareemaayay damashaad socday shalay ilaa xalay kaasoo ay iskugu marxabeeynayeen dhagaxa laga wareejiyay iyo sida ay ugu faraxsan yihiin iney mar kale dib u helaan fimilladooda.

Magaalada Falköping ayaa si weyn looga soo dhaweeyay heshiiskaan, Maxamed Yuusuf oo ah gudoomiya jaaliyada Soomaalida ayaa idaacada Sweden u sheegay “Qofkasta waa ku faraxsanyahay arintaan, way fiicantahay in dowladu ay ka hadasho arimaha socdaalka, waa biloow wanaagsan”.

Anders Lindstrom oo ka tirsan waaxda Isdhexgalka ee Falköping ayaa intaas ku daray “Waqti ayay ku xirantahay, waa in isbedel yimaadaa. Sidaan waxay ahayd sanad diidmaduna waa socotaa”. Anders ayaa doonaya in go’aan deg deg ah la raaciyo heshiiska la gaaray.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaalida Sweden ayaa aad ugu faraxsan in ay furantay wadadii ay ku heli lahaayeen ilmahooda. Waloow heshiiskaan uusan ahayn go’aan la gaaray hadana waxa uu gogasha u xaaraya in go’aan la gaaro marka 30-ka bisha Maarso uu baarlamaanka Sweden ka doodo arimaha Socdaalka.

Massago – Katrineholm, Jimcale, SR.se

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here